|

Mareeyaha cusub ee Madbacada Qaranka oo xilka kala wareegay Mareeyihii hore

Haregeysa, 31, Mar 2012 (SDN)- Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) ayaa maanta xilka kala wareegay Maareeyihii hore ahna Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal.

Munaasibada xil wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Madbacada qaranka ayaa waxa ka qeybgalay Maareeyeyaasha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyaha Ha’yadda wadooyinka, Xildhibaano, Agaasimaha guud ee Ciyaaraha iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha madbacadda qaranka.

Maareeyihii hore Madbacadda qaranka Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladaas ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaabihii u hirgalay iyo duruufihii uu kula wareegay, isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa maanta ii farxad ah inaan walaalkay Cabdilaahi Caray oo aan anigu ku aqaano nin aad iyo aad u karti badan, nin dabeecad wacan oo bulshadda la dhaqmi kara. Nin hawshii madbacadda qaranka oo runtii hawl badan iyo tacab badan iyo hawl badani iga gaadhay in nin aan aqaano oo aan ku aamino aan ku wareejiyo maanta arrintaasi farxad ayay ii tahay.” Ayuu yidhi Mareeyihii hore ahna Wasiirka cusub ee Ciyaaraha.

Maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) oo isaguna ka hadlay munaasibadaas ayaa si weyn ugu mahad celiyay maareeyihii hore, waxaanu tilmaamay inuu xog-ogaal u ahaa marxaladihii madbacadda qaranku soo martay iyo sidii ay ahayd xiligii uu qabsaday Cali Siciid Raygalba.

Waxa kale, oo iyaguna ka hadlay munaasibadaas masuuliyiintii ka qaybgashay xilwareejinta.

SDN, Hargeisa

 

Comments are closed