|

Xildhibaan Bukhaari oo si adag uga hadlay Budhacad-badeeda Somaliland lagu Xidh-xidhayo

Hargeysa 31, March 2012 (Qurbejoog.com)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Huruuse (Salebaan Bukhaari) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland lagana soo doortay Gobolka Sanaag, ayaa si adag u naqdiyay Xeerka Xakamaynta Budhcadbadeeda lagu xidh xidhayo Xabsiyada Somaliland, kuna tilmaamayXabsiyadda Somaliland, Guantanamo Bay. Waxa kale oo uu xusay in ay arintani amni daro keeni karto sida shirkii londo uu fashilaad siyaasadeed u keenay, xukuumadana ka dalbaday in ay dadka u sheegto waxay dhaafsatay in maxaabiista wadankeeda lagu xidh xidho, ugu danbaytiina baaq u diray budhcad badeeda haysata markab laga leeyahay Somaliland. Mudane Bukhaari ayaa sidaa ka sheegay mar ay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da oo u qabatay dood isaga iyo mudane kale oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu horeyn Xildhibaan Bukhaari oo ka hadlaya sidii lagu ansixiyay Xeerka Budhcadbadeeda wuxuu yidhi “Waxa aad ka war haysaan sidii lagu ansixiyay Budhacad Badeeda oo iyada oo aan laga doodin la yidhi Gacanta haloo taago, waxaanay ku ahayd golaha ceeb wayn in ay gacanta ay u taagaan xeer iyaga oo aan ka doodin, mana aha in Xukuumada la qanciyo, waa in dadka la qanciyaa, waayo Golaha Wakiiladda waxa soo doortay dadka”.

Xildhibaan Bukhaari ayaa ku tilmaamay Xabsiga Somaliland Guantanamo Bay isaga oo sheegay in ay Xukuumadu iska soo xambaaratay dad aanay ogeyn sidii loo xukumay iyo cida ku markhaati furtay intaba. Xildhibaan Bukhaari ayaa sheegay in hadii cadaalad la doonayo ay fiican tahay in halkan lagu maxkamadeeyo marka hore, fartana ku goday in wax caalamkii oo dhani diiday ay Xukuumadu soo qadatay. mar uu arintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arin Caalamka oo dhami diiday, ayay xukuumadani soo qaadatay, waxaanay keeni kartaa Amni Daro Gudaha Somaliland ah”.

Xildhibaan Bukhaari ayaa sidoo kale Xukuumada usoo jeediyay in ay sheegto waxa ay dhaafsatay in Maxaabista dalka la keeno. isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi ” Waxaan leeyahay Xukuumadu ha sheegto waxay dhaafsatay in wixii caalamkoo dhami diiday ay iyadu soo qaadato, hadii ay kharash dhaafsatay ha sheegto, hadii ay waxkale dhaafsatay sida ictiraafna nooma muuqdee ha na tusto sifaha arintani ku timi, shacabkana haloo iftiimiyo”.

ugu danbaytii, Xildhibaan Bukhaari ayaa ugu baaqay Budhcad Badeeda haysata markabka laga leeyahay Somaliland in ay sii daayaan, isago oo xusay in markabkaasi ay leeyihiin dad dan yar ah ayna tixgeliyaan Somalinimo iyo in ay wax badani dhex yaalaan umada Somaliyeed Guud ahaanba.

 

By Abshir Askar Mohamed,

Hargeysa, Somaliland

 

Comments are closed