|

Mareykanka oo 41 million ugu deeqay Soomaaliya

Muqdisho January 29, 2023 (QJ) –Safiirka Mareykanka u fadhiya QM Linda Thomas-Greenfield oo manta booqatay magaalada Muqdiaho ayaa kulan ay la yeelatay madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay ku dhawaaqday kaalmo dheeri oo Mareykanku ugu yaboohay Soomaaliya.

Safiirada ayaa sheegtay in Mareykanku Soomaaliya siin doono 41 million oo dollar oo lagula tacaali doono xaaladaha biniaadamnimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa Linda Thomas Greenfeild uga war bixiyay guulaha ay ciidamada dawlada iyo dadka degaanku ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, iyo baahida dawladiisu u qabto in cunaqabateynta hubka laga qaado.

Madaxweynuhu safiirada kalama hadal caqabadaha kale ee isbiirsaday ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed hortaagan mudada dheer.

Comments are closed