|

Maxaa laga filan karaa Guddiyada Beelaha HEEGO ee Muuse Biixi abaabulayo

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) Muuse Biixi oo HEEGO dawlad aanu ka warheyn ka hoos sameysatay ayaa maalmihii u danbeeyay waday qorshe huwan dhiilo colaadeed oo lagu baneysanayo dhiiga shacabka isbedel doonka Somaliland.

Qorshan oo isugu jira laaluush la siiyo madaxdhaqameedka iyo afkudhiigleyaasha siyaasadeed si ay Muuse ugu muujiyaan taageero uu moodo mid dhab ah oo lagu taageero goaanada madhan ee Muuse kolba soo saaro.

Madaxdhaqameedkan oo dhan walba u rida ayaa haatan wada qorshe khatartiisa leh balse Jabhada faaido balaaran u yeelanaya marka la eego heerka carada dhalinta beesha Garxajis.

HEEGO ayaa odeyaasha beelaha ay abaabuleen ka dalbaday in ay ka dib kulankooda Jabhada Gacan-Libaax in ay ku dhawaaqaan goaan ay ku sheegayaan in ay diideen dhexdhaxaadintii isla markaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

Madax-dhaqameedkan oo Muuse uu hore u diiday tiroba dhawr jeer ayaan wax war ah ka soo saarin talo-diidnimadisii oo sababtay in dalku galo xaaladan.

Dhalinta isbedel doonka ee qaarkood galeen Buuraha Gacan-Libaax ayaa ay ka goan tahay in la rido maamulka Muuse Biixi isla markaana dalka sidaa lagu badbaadiyo.

Madax-dhaqameedka haatan u baxay degaanada ay ku sugan yihiin Jabhada ayaa la soo sheegayaa in durba odeyda lagu wargeliyay in sida kaliya ee xaalada lagu dejin karo in ay tahay in Muuse Biixi iyo xulafadiisu xilka ka degaan.

Xaalada Buurta Gacan-Libaax ayaa u muuqata mid xaalkeedu ku dhamaan doono uun sidii ta Laascaanood ee maalmaha kooban inta badan degaanada SSC looga saaray meliishaadkii labada Korneyl.

Comments are closed