|

Mareykanka oo lacag duldhigay xariga Cali Dheere, hubna siiyay Dawlada

Muqdisho Feb 28, 2023 (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in lacag dhan 5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixineyso soo qabashada afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamed Raage (Cali Dheere), taasoo ah tallaabadii u dambeysay ee Barnaamijkeeda Abaalmarinta La-dagaalanka Argagixisada.

Barnaamijka Abaalmarinta La-dagaalanka Argagaxisada oo ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Cali Dheere loo raadinayo doorkii uu ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarrada Argagixiso ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Mareykanka ay abaal-marin lacageed ku bixiso soo qabashada xubno sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab, balse warkan ayaa kusoo beegmaya xili manta uu Mareykanku uu qalab iyo ciidan ugu deeqay dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo maanta gaaray Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qalabkan Milateri ee uu Mareykanka u soo diray in lagu taageero Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa ka guddoomay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa xusay in taageerada Mareykanka ay gacan ka geysan doonto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in taageerada Mareykanka ay muhiim u tahay sidii Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu heli lahaa. Taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili dalka uu wajahayo caqabado dhanka amaanka ah oo kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab, waxaana Mareykanka uu tababaro ciidan iyo qalabeyn siiyay ciidamada Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale taageeray howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Comments are closed