|

Mareykanka oo shan million ku bixinaya xogta qabasgada masuul ka tirsan Shabaab

Nairobi June 14, 2023 (QJ) -Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay malaayiin dollar ku abaal-marineyso ciddii keenta xog horseedda soo qabashada C/llaahi Cismaan Maxamed oo ah shaqsi lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kaasoo la sheegay inuu yahay Injineer ku takhasusay walxaha qarxa.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in abaalmarin lacageed oo gaareysa shan milyan oo dollar ay ku bixin doonto ciddii soo sheegta xog lagu kalsoonaan karo oo gacan ka geysan karta soo qabashada iyo dacwad qaadista C/llaahi Cismaan Maxamed oo la rumeysan yahay inuu ku lug lahaanshiyaha hoggaanka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga la hadal hayo uu ka mid yahay madaxda sar sare ee ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay shaqsi muhiim u ah warbaahintooda.

Shaqsiyaad dhowr ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab ayaa horay Mareykanku u bartilmaameedsaday, iyadoo abaal-marin loogu yaboohay soo qabashada iyo ciribtirkooda, kuwaasoo qaarkood lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, halka kuwa kalena ay weli baadi goobayaan madaxda Mareykanka.

Comments are closed