|

Mareykanka oo duqeeyay goob Al Shabaab ku shireysau

Jamaame July 16, 2023 (SD) – Horaantii maanta, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqaymo la beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab oo ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay in ay ku shirayeen xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxdaasi.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya, duqeyntan ayaa la sheegay in ay daba socotay xog sirdoon oo ay heleen saaxiibada caalami ee Soomaaliya.

Deegaanka la beegsaday oo qiyaastii 14 KM u jira degmada Jamaame ayaa la ogaaday in ay ku badan yihiin Al-Shabaab.

”Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga dowladda.

Saraakiil ka tirsan guutada 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray kooxdii la beegsaday.

Comments are closed