Uncategorized

Masar Oo Caasimad Cusub Dhisanaysa, Muddada ay Soconayso, Qiimaha Ku Baxaya iyo Baahida Keentay

Cairo:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Militeriga ah ee Waddanka Masar, ayaa ku dhawaaqday Qorshe ay ku dhisanayso Caasimad cusub, kadib markii ay sheegtay inay gebi ahaanba buuxsantay Caasimadda wakhtigan ee Cairo.

tirtQorshahan ayaa  lagu soo bandhigay shirka Maal-gashiga Masar oo ka furmay magaalada Sharma Sheikh.

Wasiirka Hawlaha Guud ee dalka Masar Mustafa Madlubi ayaa sheegay in hada magaalada Qaahira ay buuxsantay isla markaana ay dhisayaan Caasimad cusub oo ay ku noolaan karaan 5 milyan oo qof.

Caasimada cusub ayaa la doonayaa in laga dhiso meel bariga kaga beegan magaalada Qaahira, una dhaxeysa jidka isku xidha Qaahira iyo Suweys Kanaal.

Magaalada Qaahira ee hada xarunta u ah Masar ayey ku nool yihiin 18 milyan oo qof, waxaana mushkilad weyn ka taagan tahay adeega bulshada, isgaadhsiinta iyo waliba gaadiidka wadooyinka xidhay.

Dowlada Masar ayaa dooneysa in dhismaha Caasimada ay ku dhameystirto muddo 12 sano gudaheed ah, waxaana la sheegay inay ku bixi doonto dhaqaale gaadhaya €42 Bilyan Euro.

Shirkadaha laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraada Carabta ayaa la sheegay in lasiin doono dhulka ugu horeeya ee goobta caasimada cusub laga dhisayo.

Shirka ka socda Sharma Sheikh ayey ka qeyb galayaan qaar kamid ah hogaamiyayaasha caalamka oo uu ku jiro Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com