Muqdisho:Mar,15,2015(SDN/QJ)-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo dheer ku jirey Gacanta Dawladda Somalia, ayaa wararka soo baxayaa sheegayaa in hadda la gaadhay heshiis xorriyadiisa loogu celiyo.
Sida wararku sheegayaan, sheikh Xasan Daahir Xabsiga laga sii dayn doono, kadib markii diblomaasiyiini dedaal u galeen sii dayntiisa, waxana haatan soo baxday in dal dibadda ah loo qaadi doono.
Waxaa Wararku ay sheegayaan in Xasan Daahir Aweys marka lasiii daayo loo musaafurin doono dalka Qatar oo la filayo inuu kaga dhawaaqo inuu ka-tanaasulay Ururka Al shabaab iyo Fekerka uu aaminsan yahay ee Al Qaacida.
Diblomaasiyiinta sheikh sii dayntiisa ka hawlgalay, ayaa la sheegayaa inuu kamid yahay Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar oo hadda ku sugan Muqdisho iyo Waliba diblomaasiyiin kale.
Xasan Daahir Aweys oo ku jira Gacanta DFS Tan iyo Bishii Juun, ee 2013 markii uu Al shabaab kasoo goostay, ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan Warbaahinta la hadlaynin inta uu Xorrriyadiisa ka helayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
