Hargaysa 24.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee Mudooyinkii u danbeeyay Socdaalka shaqo ku marayay Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimada hargaysa.
Madaxweynaha Waxaa ku soo dhaweeyay Caasimada hargaysa Madaxweyne ku xigeenka J.S.L ,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye madax iyo mas’uuuliyiin ka tirsan Golayaasha Qaranka.
Ka hor intii aanu Madaxweynaha iyo Weftigiisu hargaysa iman waxay magaalada Berbera Xadhiga kaga soo jareen Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyay .
