|

Mashruuc lagu Horumarinayo Beeyada Gobolada Sanaag iyo Saaxil oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta  miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula qaadatay iskaashatooyinka beenyada ee gobolada saaxil iyo sanaag .

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo siii wadi lahaa mashruuc ku saabsan horumarinta beenyada gobolada sanaag iyo saaxil oo muddo istaagay kaas oo uu waday baanka adduunka oo kaashanaya Haayada SOVRIKO.

Shugri baandareWasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri xaaji ismaaciil baandare oo halkaasi ka hadashay  ayaa si faah-faahsan ugu warantay u jeedada kulankan oo ay ku tilmaantay in uu yahay kulan lagaga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa Mashruuca horumarinta beenyada dalka kaas oo muddo istaagtay balse intii ay wasaarada joogtay ay ku hawlanayd sidii mashruucaasi dib loogu bilaabi lahaa .

Mashruucan ayaa wasiirka deegaanku sheegtay in uu ku saabsan sidii loo daryeeli lahaa dhirta sii dabar go,aysa ee beenyada isla markaana  loogu samayn lahaa goobo lagu daryeelo, dadkana loo bari lahaa sidii ay u beeri lahaayeen.

Marwo shugri xaaji ismaaciil Baandare waxa ay sheegtay in mashruucan Horumarinta beenyada sidoo kale ay ku jirto sidii tababaro loo siin lahaa dadka ku hawlan  beenyada loona bari lahaa qaabkii ay u la dagaalami lahaayeen cayaanka ku dhasha geedka beenyada , korna loogu qaadi lahaa aqoontooda la xidhiidha daryeelka beenyada  si ay ula tartamaan kuwa caalamka

Wasiirka deegaanku waxay ay xustay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaa xidhiidhka wasaarada kala dhaxeeya wasaaradaha Xanaanada Xoolaha , Beeraha Iyo Gacansiga oo meelo doora ay iska soo galaan wasaarada Deegaanka .

Waxa kale oo Kulankaasi  ka hadlay Maxamed Cabdi Maxamuud oo ku hadlayey afka iskaashatooyinka Beenyada oo wasaarada deegaanka uga mahadceliyey sida ay ugu hawlan tahay horumarinta beenyada dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed