|

Mas’uulkii 2aad ee Xisbiga Waddani ka Tirsan oo Waxyeelo Loo Gaystay & Taliska Ciidanka Booliska oo Si Maqaam Hoose ah uga Hadlay Falalkaas Shirqool DAAWO

Hargaysa 22. December 2016 (SDN/QJ):–Habeenkii Xalay ayaa Koox aan Weli la aqoonsani Waxay Waxyeelo Gaadhsiiyeen Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Waddani Maxamed Dhame iyadoo Laba habeen ka horna Nabaro la soo Gaadhsiiyey Xoghayihii Caddaalada eee Xisbiga Waddani Barkhad Batuun.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay Fal Denbiyeedyo lagula Kacay Saraakiil Sare oo ka Tirsan Xisbiga Waddani oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Caddaalada Iyo Gudoomiyaha Garabka dhallinyarada.

Faysal Xiis,Af-hayeenka guud ee ciidamada booliska ayaa si kooban uga hadley falalkaasi foosha xun ee jidh-dilka loogu geystey laba sarkaal oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa sheegay in labadan siyaasi markii weerarada loo gaystay ay yimaadeen saldhiga booliska isla markaana ay u sheegeen ciidanka sidii loosoo weeraray iyo waxyeelada ay qabaan.
Af-hayeenka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa”Taariikhdu markay ahayd 19-kii bishan aynu ku guda jirno saacaduna ay ahayd 11 habeenimo waxa saldhiga dhexe ee booliska yimi Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI,Barkhad waxa uu soo sheegay in laba qof ay dhaawacyo u gaysteen ugana gaysteen wajiga,kadib markii sida uu isagu sheegay ay dhagaxaan wajiga kala dhaceen,labadaa nin ee dilay muu sheegin Barkhad,waxaana uu booliska u sheegay inaanu garanayn tilmaami karayn kuwa ay ahaayeen”Ayuu yidhi Gaashaanle Sare Faysal Xiis.
Dhanka kale Afhayeenka booliska somaliland oo ka hadlay falkii xalay lagu waxyeeleeyey gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” ayaa waxa uu yidhi”Maxamed Sidiiq Cabdilaahi oo loo yaqaano “Dhamme” waxa uu sheegay xalay oo bishu ahayd 22 goor ay saacadu ahayd 12:30 (Laba iyo tobankii iyo badhkii) waxa uu tagay saldhiga booliska ee degmada Gacan-libaax,dhibane Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah gudoomiyaha dhalinyarada WADDANI waxa uu sheegay in isaga oo baabuurkiisi wata oo maraya geerash Aw-cali agtiisa in afar nin oo aanu garanayn aqoona u lahayn ay halkaasi ku joojiyeen kadibna ay dhaawacyo uga gaysteen gacanta midigta waxa kale uu sheegay in gaadhigii uu watayna ay jajabiyeen oo khasaare kasoo gaadhsiiyeen lagana jajabiyay muraayadaha,marka laysku daro labada dhibane ee Barkhad iyo Maxamed labaduba mar qudha may sheegin oo may odhan ciddaas ayaa I dishay”Ayuu yidhi Faysal Xiis.
Gaashaanle sare Faysal Xiis waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada boolisku ay arrinkaasi baadhitaan adag kaga jiraan soo qabashada dadkaa falkaa gaystay, waxaana uu yidhi”Boolisku arrinkaasi si mug leh ayuu u baadhayaa gobtii danbigu ka dhacayna waa la tagay si loo ogaado xogtaa ay sheegeen xog ka badan labada dhibaneba kiiskooda si adag ayaa loo baadhayaa waxii kasoo baxana dib ayaan idinka soo sheegi doonaa hadii alle yidhaahdo,booliskuna way ku daba jiraan ragii falkaa gaystay waxaanan ku rajo waynahay inaan soo qabano waxaanan gayn doonaa maxkamada iyo xeer ilaalinta shaqada ku leh”Ayuu yidhi afhayeenka booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis.

Comments are closed