|

Maxaa kasoo baxay shirkii Garxajis ee Burco

Hargeysa. 27 October, 2022. (QJ)- Beesha Garxajis oo degta 5 gobol oo ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland ayaa shir ballaadhan uu ugu soo gaba gaboobay magaalada Burco er xarunta Togdheer.

Beeshu waxay go’aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada wax aan ahayn aanay aqbali doonin in ay Somaliland ka qabsoonto.

Beesha ayaa soo saartay 7 dan qodob:

1.Beelwaynta Garxajis waxay u taagan tahay wadajirkii, wax wada lahaanshihii, iyo niyad-wanaagii shacabka reerSomaaliland ku wada dhistay dawladnimada
2. Beeshu waxay goaan ku gaadhay 13 Nov ka hor oo ku egmudaxileedkii sharciga ahaa ee madaxwayanha iyomadaxweyne ku xigeenka in la helo  heshiis ay u dhanyihiin sadexda xisbi qaran ee hada jira, oo lagu qabtodoorashadii madaxtooyada mudadii farsamo ee komishinkucayimay, hadii ay taasi dhiciwaydo beeshu waxay go’aanku gaadhay in aan wax doorasho  ahi ka dhicindeegamadeeda.
3. Muddo kordhintii guurtidu u samayay madaxweynaha iyomadaxweyne ku xigeeenka ma waafaqsana dastuurka dalkaqodobka 83aad farqadiisa 5aad, sidoo kale kuma aanayiman heshiis iyo isfaham siyaasi ah, sidaa darted BeeshaGarxajis waxay ka soo horjeedaa muddo kordhin kasta ooaan waafaqwsanayn shuruucda dalka ama aan ku imanheshiis loo dhan yahay.
4. Jiitanka khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka jira waxauu keeni karaa halis amni oo saamaysa Somaliland iyogobolka Geeska Afrika, sidaa daraadeed beesha Garxajiswaxa ay ku baaqaysaa in beesha caalamka iyodaneeyayaasha siyaasadu ay si deg deg ah u soo farogeliyaan si loogu soo celiyo xukuumada dariiqii sharcigaahaa.
5. Dilkii iyo tacadiyadii ay xukuumadu kula kacday dadkiisamaynaayey mudahaaradadii salmiga ahaa waxa uu ahaaxasuuq qorsheysan. Beeshu waxay daba joogtaa dadkiigeystay Fal-danbiyeydyadaa waxayna dalbanaysaa in lagusameeyo baadhitaan madax banana oo calami ah.
6. Beesha Garxajis wax ay ku baaqaysaa in la soo celiyo kala madax banaanidii iyo isudheelli tirkii dhidibada ay Somaliland ku taagnayd ee kala ahaa fulinta, garsoorka iyoBaarlamaanka oo isugu ururay gacanta madaxweynaha.
7. Beesha Garxajis waxa ay ku baaqaysaa in dowladu farahakala baxdo ganacsiga madaxa bananan ee dalka, shuruucdalagu maamulaayana aan la siyaasadeyn iyadoo lagufushanaayo dano gaar ah.

 

Comments are closed