|

Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Burco ka socda

Hargeysa. 26 October, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee gobolka Togdheer waxa weli ka socda shirka beesha Garxajis oo galay maalintii labaad ee shirka iyada oo laha dooday arimaha beesha iyo danaheeda.

Waxa qorshuhu ahaa in berri oo Khamiis ah shirka kasoo xidho kadib maalinta Jimcaha la sameeyo duco ballaadhan oo duleedka magaalada lagu qabto, balse waxa la filayaa in qorashahaas uu bedelo geerida AHU suldaan Axmed Afyare oo ahaa beesha Muuse Carre.

Waxa la saaray guddi isku dhaf ah oo kasoo tala bixin doonta go’aanada shirka iyadoo ugu danbay maalinta Sabtida go’aano lasoo saari doono maadaama maalinta berri ah la qorsheeyay aaska suldaanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa si wayn ugu dheg taagaysa waxa kasoo bixi doona shirkaas.

Comments are closed