Ankara 16.July 2015 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee Waxaa Dalka Turkiga ku Geeriyooday La Taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha Gobolada Bari Marxuun Fu’aad Aadan Cade.
Marxuunka ayaa dalkaasi u joogay Xaalad caafimaad oo ka dhalatay dhaawac ka soo gaadhay Jabniin lafeed iyo Qaliino dhinaca Wadnaha lagaga sameeyay .
Dhanka kale Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Wararku sheegayaan inay bixisay Kharashkii Cisbitaalka uu Marxuunku ku jiray iyo Dhaqaalihii Saamixi lahaa in lagu soo qaado si Maydkiisa loo keeno Somaliland oo uu Marxuunku ku dardaarmay in lagu aaso.
