|

Wasiir ka tirsan xukuumada Somalia oo loo diiday inuu u tartamo aqalka hoose & sababta oo la shaaciyey

Muqdisho 08. December 2016 (SDN/QJ):- Guddiga doorashada dadban ee heer Qaran ayaa soo saaray xalay War-saxaafadeed ku saabsan natiijada ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyey shaqaaqadii ka dhalatay kursigii beesha Jidle ee lagu dooranayey magaalada Jowhar.
Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa masuuliyada shaqaaqadii ka dhacday Jowhar 18-kii bishii November dusha ka saaray labadii muharax ee tartameysay, iyadoo wasiirka dhalinyarada & isboortiga Nuux lagu eedeeyey inuu bilaabay qaska ka dhacay gudaha hoolka doorashada, halka Ciro oo ah musharaxa la tartamayey lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey rasaasta ka dhacday hoolka dibediisa.

Guddiga ayaa sheegay in labada musharax laga joojiyey iney u tartamaan kursigaas, waxaana beesha Jidle laga dalbaday iney soo bedelaan ergooyinka doorashada ka qeyb galayey, musharaxiin cusubna la yimaadaan.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa u qornaa sidatan:-

looloo1

Comments are closed