|

Maxamed Xaashi Oo Isku Xidhay Xil Ka Qaadistiisa Iyo Dhac-dhacii Uu Wasiirrada Ka Jaray

Hargeysa, 26, Mar 2012 (SDN)- Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha uu u malaynayo in xil ka qaadistiisa keenay, koboca uu ku sameeyay Miisaaniyadda iyo shirarka Soomalida loo qabto ee Somaliland ka qayb-gasho.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu ka hadlay rajada uu ka qabbo in wasiirka bedalay hawsha uu u wadi doono sidiisii oo kale iyo istiqaalad uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo u gudbiyey mar uu khilaaf soo kala dhex galay wasiirka wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ugu horeyn ka hadlaya koboca wasaarada Maaliyadu ku samaysay Miisaaniyadaha labadii sanadood ee u dambeeyay iyo faraqa u dhaxeeya dayn uu ugu yimid wasaaradda Maaliyadda wakhtigii uu xilkeeda la wareegay ayaa waxa uu yidhi “Xil wareejintii aanu samaynay waxaan kaga tagay $ 14 Milyan oo doolar, halkii tii hore ay ahayd $ 70 Milyan oo dayn iyo isugu jirtay lacag la Lunsaday, markaa meel fiican ayaanu soo gaadhsiinay, waxayna ku timid dedaal aanu samaynay, markaa  wadaadkan wasiirka cusub ahi  wuu iga nasiib wanaagsanaa, waayo halkii aan anigu ugu tagay $70 milyan oo dayn ah”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo la waydiiyey in wasiirka xilka kala wareegay hawsha sideeda u wadi karo iyo in kale ayaa ku jawaabay “ILAAHAY-baa xaal og, waxaan tagay meel dhisan oo nidaamkeedii isku toosan yahay, markaa kolka dariiqa la jeexo ninku inaanu dariiqaa ka leexleexan oo uu wixii saani u wado, waanan rajaynayaa inuu ku filan yahay hawsha oo warwar kama qabbo xaggaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha waxyaabaha uu u aanaynayo inuu xilkiisii ku waayey “Markaan run kugula hadlo wax alaale wax la ii sheegay ma jirin, sidaad u maqasheen ayuunbaan u maqlay, waxaanu cid isku qabanayna ma garanayo, kolkaa si ay noqotayba warqad ayuun-baan la kulmay oo aroor hore ayuun-baa la igu yidhi waraaq-baa kuu taala xafiiskii, si kastaba ha ahaatee Madaxda waa la bedalaa”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland waxa uu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu jaanis u siiyey inuu soo bandhigo waxqabadkiisa “Waxaan Madaxwaynaha ugu mahad-naqayaa jaaniska uu ii siiyay inaan hawshaa aan qabtay ku muujiyo oo dadku ogaado, dalkuna caydh maaha, dadkeenuna waa wax quudha oo wanaaga jecel” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo mar labaad ka jawaabaya waxa uu u malayno in xil ka qaadistiisa loo cuskaday  “Madaxwaynaha ayuun-baa og ee anigu ma ogi, wax aanu isku qabanayna ma jirin, wax aan idhaahdo halkaas ayaa lagaa raacayna ma xasuusni, markaa way iska dhib badan tahay oo dadkii doorashada soo galay (Taageerayaasha Kulmiye) qof walba waxbuu doonayaa, qofkii wax loo waayaana waala ii waayey ma yidhaahdo ee waala ii diiday ayuu yidhaahdaa, kolkaa waxaas iyo waxyaabo kale oo is-biirbiirsaday iyo wixii loo bartay koleyba anigu maan samayne ee ahaa shidaalka oo dadka la sii-siiyo, lacagayow la siiyo oo loo qoro isaga oo aan waxba qabanba, dadka waxaas ku noolaa ee xaggaa koleyga la iskaga riixay, koleyba dadka ugu hadalka badan ayay ahaayeen, aniguna waxaas waan joojiyey, markaa xaggaa wax iga tagay ma ogi laakiin anigu wax aan sameeyay oo aan xasuusanahay ma jiraan, laakiin Madaxwaynaha ayaad waydiin doontaan”

Eng Maxamed Xaashi oo wareysi siiyay shabakada wararka ee Oodweynenews.com, ayaa la waydiiyey inuu u malaynayo in laga raacay shidaalkii masuuliyiinta dawladu u qori jireen dadka rayidka ah ee uu joojiyey ayaa ku jawaabay “Ta la iga raacay haddii ay taa tahay waala odhan karaa, laakiin ma hubo”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo faahfaahinaya istiqaalad uu Madaxwaynaha u gudbiyey ka hor intii xilka laga qaadin “Mar ayaan istiqaalada dhiibay, waxaanan u dhiibay nin wasiir ah oo lacag aan meel ay ku qoran tahayba aan waayey ayuu khilaafkayagu ahaa, lacagahaasina waa wali, shirkado lacago laga qaaday oo aan meelaba ku qornayn oo baankii ku dhicin ama Qasnadii ku dhicin, wax lagu bixiyeyna aanay cadayn oo wali taagan-baa jira, laakiin taasi waanu ka soo gudubnay oo waakii (Madaxwaynuhu) iga aqbali waayey istiqaaladii, aniguna sidii ayaan shaqada u waday, waanuna ka soo gudubnay, laakiin arin isaga ku taale weeyaan.”

Maxamed Xaashi Cilmi, oo la waydiiyey sida uu u arko aragtida ah inuu shakhsi go’aan adag oo aan leex-leexad lahayn ayaa ku jawaabay “Xil-baa I saaran, inaan xilkaa ka soo baxaana waa wax meesha ku jira, Kitaabna gacantaan saaray oo waa arin weyn, markaa wax laalaabad ahi meesha ma soo gali karo, waxaanan ku dedaalaa inaanan wax xad-gudub ah samaynin.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa in isku shaandhayntii u dambaysay galaafatay wasiiradii waxqabadka badnaa “Faanka waa laga wanaagsan yahay, wasiirada kalena wax way qabtaan, laakiin kuwo la bedalay wasiiro muhiim ah oo shaqadooda ku fiican ayay ahaayeen, laakiin Somaliland wakhtigan waxay u baahan tahay isku duubnaan, intayadii ka hadhay golaha wasiirada waxa loo baahan in aanay naga muuqan wax dhibaato keena, waana xil na saaran, dad kale oo shaqada laga eryey way jiraan, laakiin anigu in waxaan (Ka hadalka xil ka qaadista) hoos loo dhigo arintaasi oo xaalada dalka ahmiyada la siiyo ayaan qabbaa”.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, waxa kale oo la waydiiyey sida uu u arko shirarka Soomaalida ee Somaliland ka qayb-gasho “Marka la yidhaahdo Soomaliya shirbaa loo qabanayaa anigu ka qayb-galkeeda ma raacsani, waayo inagu 18.5.1991 ayaynu nidhi Soomaliya ma nihin, markaa inta badan waxa la yidhaahdaa aynu xaaladeena halkaa ka sheegano, laakiin ka maqnaanshaheeda ayaaba ka xoog roob, waayo maxay ku diideen ayaa imanaysa, mida kale shirka soo socda haddii lagu xidho Lacagaha dee-bixiyayaashu bixiyaan ee dawlada ku meel-gaadhka ahi u qayb-qaybinayso kuwo kale, risiqa noocaas ah inaynaan qaadan ayaan qabbaa, haddii aynu u gudboonahay oo waxeena gaar la inoo siinayo waan qabbaa, ta ugu khatarsanina waa taasi.”ayuu yidhi Md Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo ka hadlaya shir dhawaan dalka Turkiga loogu qabanayo Soomaliya “Anigu waxaan qabbaa, shirkaasi haddii uu yahay mid dawlad loogu dhisayo Soomaliya, inagu kuwaa ma nihin, haddii aynu wada hadlaynana in iyagga oo Soomaliyadii Talyaanigu haysan jiray ah iyo inaga oo Somaliland-tii Ingiriisku haysan jiray ah wada hadalno waxba kama qabbo oo aynu ka wada hadalno sidii aynu kala go’I lahayn, laakiin Soomaliya ayaa dawlada loo dhisayaa maxaan ka doonayaa, arintaasi in aad loo derso ayay u baahan tahay, waa la idiin yeedhayaadaba maaha inaynu diyaarada raacno, waxyaabaha ku laaban inaynu aad uga tashano ayaa meesha ku jirta.”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo la waydiiyey in markii uu xilka wasaaradda Maaliyadda hayey uu ka soo hor-jeeday ka qayb-galka Somaliland ee shirarka Soomalida loo qabto iyo inuu imika Mucaaradad ka dhiganayo ayaa sheegay inuu awalba ka soo hor-jeeday “Sidaa aan ku leeyahay ayaan aaminsanaa kuna dhaqmi jiray”ayuu yidhi isaga oo sheegay inaanu wali ka fikirin inuu urur ama xisbi siyaasadeed ku biiro “Arintaa wali kamaan fikirin (Inuu xisbi ku biiro), saddexda xisbi iyo ururada soo socdana siyaabo aan ku dhaliilsanahay way jiraan, meel aan maanta idhaahdo waan galayaana ma garanayo”

SDN, Hargeisa

Comments are closed