Caira:24-March-2014(SDN)- Maxkamad Ku Taalla Dalka Masar ayaa Xukun dil ah ku Ridday Ku dhawaad 529-qof oo ka mid ahaa Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Dalkaas Maxamed Mursi.
Dadkan ayey Maxkamddu Sheegtay inay Qiraal ku Yihiin Dambiyada Loo haysto oo ay ka mid ahaayeen Dilka Ciidamo Boolis ah iyo dhacdooyin kale oo ammaandarro ah oo dalkaas ka dhacay.
Kooxda ayaa xubno ka ahaa kooxda la mamnuucay ee Ikhwaanul muslimiinta dalkaasi, kuwaasi oo inka badan 1200 oo kamid ah taageerayaasha Mursi maxkamad lasoo taagay.
Maxkamada xukunka uu ka dhacay ayaa ku taala Minya oo ah deegaan ku yaala koonfuta caasimada Masar ee Qaahira,
Waa taageerayaashii ugu badnaa oo maxkamad ku taala dalkaasi Masar ay xukun ku rido tan iyo markii xilka laga tuuray Maxamed Mursi.
Arrintan ayaanay wali ka Hadlin Madaxda Ururka Ikhwaanka ee Haatan dibadda joogaa, waxana laga Yaabaa inay Dhawaanahan ka Hadli Doonaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
