Uncategorized

Maxkamada Gobolka Hargaysa oo Mudaysay Xiliga Dhagaysiga Dacwada Haatuf +Xeerka Saxaafada oo aan lagu qaadayn + Dhibanayaasha oo Noqday Qaranka JSL

Hargaysa 27.April 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa mudaysay  dacwada loo haysto  mas’uuliyiinta Wargeyskii la xayiray ee Haatuf.

Maxkamadu waxay u cayintay dhegaysiga dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyska Haatuf  04/05/2014 oo ah maalin Axad ah, sidaasna waxa lagu sheegay  qoraal baafin ah oo uu maanta    soo saaray Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Jamaal Axmed Maxamed (Caga-weyne).

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

Dhibane:  Qaranka JSL iyo dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

  2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku eedaysan qoddobada 287, 215, 328,  269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

 Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summadiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac  ee sare ku xusan,  waxay  u mudaysay maxkamadu maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014 marka ay saacadu tahay 9:00 subaxnimo, waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwada ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.

Sidaas darteed, waxa la farayaa  eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacada loo qabtay.”