Niarobi Feb 27,2013(SDN)-Maxkamad ku taal Kibera ayaa shalay ooda ka rogtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo faro badan oo sanadkii hore laga qabqabtay xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Maxkamada ayaa sawaxan iyo farxadi hareysay kolkii Xaakimkii dacwada dhegeysanayay uu ooda ka rogay 70 Soomaali ah oo la qabqabtay sanadkii hore mar qarax lala beegsaday mid ka mida gawaarida dadweynaha.
Dhalinta ayaa lagu eedeeyay in ay nabedgelya khalkhal geliyeen,balse xaakim David Ochenja ayaa goaanka gaaray ka dib kolkii ay denbi oogeyaashu ku guul dareysteen mudadaa dheer dababdeed in ay dacwad dhameystiran oo markhaatiyaal wadata soo bandhigaan.
Xaakimka ayaa dhalinta 70ka aheyd ooda ka rogay amarna ku bixiyay in loo celiyo lacago dawladu ay damaanad ahaan uga heysay.
SDN-Niarobi
contact@somalidiasporanews.com
