|

Maxkamadda ICJ oo Go’aan ka Gaadhay Dhegaysiga Dacwadda Muranka Badda Soomaaliya & Kenya

Hague 02. February 2017 (SDN/QJ):- Xaakinnada Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobeey ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherland, ayaa go’aan ku gaadhay inay dhageysan karaan Dacwadda Muranka Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo ay Dacwaddeeda sannadkii hore u gudbisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxay Xaakinnada Maxkamaddu u codeeyeen inay Kiiskaas dhegaysan karaan, dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

 

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen oo ay Kenya ku doodaysay.

Hadda Dacwadda ay Soomaaliya gudbisay Maxkamaddaas, ayaa sii socon doonta muddo sannado ah, waxaanay ugu dambeyn go’aan ka gaadhi doontaa dalka iska leh qeybta Badda ee lagu muransan yahay. Balse, weli lama sheegin goorta ay Dacwaddu billaaban doonto.

 

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai, ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay dhageysiga dacwaddan oo aan wali wakhti looo qabanin. Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

 

Soomaaliya aya horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Comments are closed