|

Maxkamadda Sare ee Somalia oo Laashay 8 Xildhibaan Oo Madaxweyne Farmaajo Doortay & Mar Kale oo Loo Tartamayo Jagooyinkaas Iyo Magacyadooda AKHRI

Muqdisho 27. May 2017 (SDN/QJ):- Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa lagu laalay 8 ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.

 

Warqad kasoo baxday Maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamada taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub.

 

Maxkamada sare ayaa sheegtay inay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.

 

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar.

 

Waxaa maxkamadda u soo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-

 

  1. Muumino Sheekh Cumar
  2. Aadan Maxamed Cali
  3. Khaalid Cumar Cali
  4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
  5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
  6. Malaaq Sidow Maadow
  7. Ibrahim Saalax Dayfullah
  8. Caasho Xaaji Cilmi.

 

Lama oga in go’aankan uu u dhaqan gali doono, waxaana jirta in kuraasta ay maxkamadda laashay xildhibaanada ku fadhiya ay horey uga qeyb galeen doorashadii Madaxweyne ee dalka ka dhacday, iyo go’aano ay soo saareen baarlamanka Soomaaliya oo hadda fasax ku maqan, waxaana laga cabsi qabaa in arintan ay dhaliso muran cusub.

Comments are closed