|

Meydadka 15 Soomaali ah oo Libaya ku soo caariyay iyo 40 kale oo la la’yahay

Misrata Jan 29,2012(qurbejoog.com)-Ugu yaraan 15 ruux oo tahriibayaal ah aya meedadkoodu ku soo caariyeen xeebta magaalada Mizarata 40 kalena waa la la’ayahay ka dib kolkii dooni ay la socdeen ku rogmatay badweynta Mediterraneanta.

Sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya ee dalka Libiya Md Cabdiqani Waceys oo ka qeyb galay aaska meydadka soo caariyay.

“Meydadka 15ka ahaa ee la helay ayaa isugu jiray 12 Haweena iyo ilmo yar,waxaana meydadkooda laga helay xeebta Misrata”ayuu yidh safiirku.

Doonta qaraqantay ayaa siday ilaa 55 ruux oo Soomaali ah sida uu xaqiijiyay Safiirku,waxaana war iyo wacaal laga heyn 40ka ruux ee kale ee doonta la socday.

Dalka Libya ayaa sanado badan ahaa goobta Tahriibeyaal fara badan oo Soomaaliyi ku jirto halka ay u maraan tegida dalalka reer Yurub.

Qurbejoog-Misrata
contact@somalidiasporanews

Comments are closed