|

Wado isku xidhi doonta Jabuuti ilaa Senegal oo sii mari doonta 10 Wadan

Adis Ababa Jan 29,2012(qurbejoog.com)-Wado dhererkeedu yahay 8,715 km oo isku xidhi doonta Jabuuti iyo Dakar Senegal oo sii mari doonta 10 wadan oo African ah ayaa qorshehhada lagu soo bandhigay shirka Midawga Africa ee Adis Ababa.

Qoraal faahfaahinaya Wadadan ayaa lagu shaaciya in ay soo mari doonto wadamada Mali, Burkina Faso, Niger, Nigeria, Cameroon, Chad, Sudan iyo Ethiopia.

Daraasad lagu sameeyay suurto galnimada qorshan oo la soo gunaanaday bishii December ee sanadkii hore ayaa lagu eegay dhinacyada Bi’adda iyo dhaqaalaha.

Dhismaha wadadan isku xidheysa Magaalooyinka Dakar iyo Jabuuti ayaa qoraalka lagu faahfaahiyay faaidooyinka ay u leedahay isku xidhka Qaarada.

Dhabahan isku xidhaya Jabuuti iyo Senegal ayaa qeyb ka ah todobo mashruuc oo hoostaga Presidential  Infrastructure Promotion Initiative (IPPI) oo ay wadaan Midawga Africa iyo NEPAD.

Waxa la aassaasay koox ka kooban 8 Wadan oo madax uu u yahay madaxweynaha Konfur Africa Jacob Zuma si taageero siyaasadeed loogu helo isku xidhka wadamada Africa.

Wadamada ku bahoobay dhismaha wadadan ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan shirka 18naad ee Midawga Africa iminka ka socda dalka Itoobiya.

Qurbejoog-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed