|

Mid ka Mid ah Salaadiinta Gobolka Sallal Oo Wasiirka Maaliyadda Ku Eedeeyay Inay Ka Dambaysay Weerarkii Lagu Qaaday Goobtii Diiwaangelinta & Dareenka Bulshadda DAAWO

Hargaysa, 29 February, 2016-(SDN/QJ) :– Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ka mid ah salaadiinta gobolada galbeedka Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay weerarkii ay koox dablay ahi ku qaadeen deegaanka Sabawanaag oo  ka tirsan degmada Lughaya, halkaas oo xiligii la weeraray ay ka socotay diiwaangelinta codbixintu, waxaanu sheegay Suldaan Abshir inay weerarkaasi ka dambeeyeen Xukuumadda Siilaanyo gaar ahaana wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan.

Samsam-830x457Suldaanka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Taasi maba qarsoonaba,wasiiradda awooda badan leh ee dawlada ee ay  ugu horayso,wasiirka Maaliyadu. Waxaan maqli jirinay inay xagaa Hargeysa ku tidhi, Sacad Muusow aniga ii duceeya, aniga  Maroodi-jeex badda gaadhsiinee, iigu duceeya inay tidhi ayaan haynay.” Ayuu yidhi Suldaan Abshir

 

Sidoo kale, suldaanku wuxuu sheegay in Wasiirka Maaliyaddu raadkeedu ku badan yahay Lughaya “Waxa weeyaan raadkeeduna halkan wuu ku badan yahay muran ma leh, ama duco ha ka hesho ama shar ha ka hesho. Taa weeye  ta ugu daran ee dhulkan wax ka wada, xitaa qaylada Saylac ka baxaysa. Jabuuti baan tegay oo waan soo maray Saylac, qaylada ka baxaysa cida keliya ee ma aragtaa laga dacwaanaayo,ama hantiida aan meel ba ka jirin ku soo rogtay, ama laga dacwoonayaa (Samsam) waata ugu daran ee wax ka wada.”

Comments are closed