Go’aamada siyaasiga ah qaadashadoodu waa kuwo dhib badan oo u baahan ku dhac iyo dhiiraanaansho leh dhabar adayg , isla markaana waa kuwo u baahan in laga baaraan dago qaabka iyo qiilka loo qaadanayo go’aanka iyadoo maskaxda lagu hayo in tusmada aad qaadataa bulshada badhna ka qoslinayso bandhana ku qaracmayaan. Balse mar walba xisaabtaadu waa inay ku fadhidaa macnaawi iyo fahansanaan qoto dheer oo salka ku haysa inaad sharaxi karto fahansiina karto cida aad beegsanayso.
Geesta kale waxaynu wada ogsoonahay in golaha guurtida Somaliland ay qaateen go’aan hogaanka loogu sii dheeranayo xukuumada talada haysa iyagoo iska indha tiray duruufo iyo waayo badan oo wadanka yaala.
Hadiiba ay tusmada iyo talada halkaa dhigeen isla markaana kubadu garoonka guurtida soo dhaaftay una soo gudubtay gagada labada hogaamiye ee xika loo dheereeyay iyo inta ku taxan iyaga maxaa la gudboon labada oday ee loolanka culusi ka dhaxeeyo? Markaan ku leeyahay labada oday ee loolanku ka dhexeeya hadana maaha micnaheedu inaan ilaabay musharaxa sadexaad balse ciyaarta culusi ee korodhsiimada waxa wadaaga labada kale waa Cirro Iyo Siilaanyee.
Akhriste waxaan filayaa in waydiintaasi iyo waydiimo kaleba maskaxdaada ka guuxayaan isla jeerkaasna aad u hayso jawaabo kala gadisan waxaase shaki ku jirin in in Cirro iyo Siilaanyo Go’aanka ay ka qaataan noqon doono mid fure u noqda guulaha ay gucle orodka ugu jiraan.
Hadii uu madaxweyne Siilaanyo damac ka hayo ina uu isa soo sharaxo waxa la gudboon inuu qaata go’aan dhiirasho leh oo ah inuu mudada loo kordhiyay ee dheeraadka ha laalo isla markaana uu badalkeega ku eekaysiiyo mudadii ay koomishanku sheegeen inay farsamo ahaan ugu suuroobi karto amaba wuu taas laftigeeda ka soo dhaweeyo oo hore looga soo dhigo , hadii uu intaas yeelo waxay noqonaysaa inuu furo bog cusub oo soomaalilaand ugu jiri doona taariikhdeed sida ay tiisii halgankuba ugu jirto, hadiise aanu musharaxnimo dambe rabbin waxay noqonaysaa inuu go’aankaas raaco sidoo kalena uu taariikhda baalkaas korodhsiimada badheedhkaa kaga suntanaado.
Dhinaca Kale Mudane Cirro hadii uu halganka madaxtinimo doonku maankiisa ku Milan yahay miyirkiisuna ku maqan yahay waxa la gudboon inuu dhaafo beerka jecli xaydha jecli isla markaana uu ka baxo hadhka golaha wakiilada ee uu tabanka sano iyo gasuurka gadhwadeenka ahaa isagoo guntanaya inay adag tahay hadh ugu guur isla hadh kale waayo korodhsiimada Isaga iyo Siilaanyaba waa loo sameeyay waxaana la gudboon inuu yidhaahdo muddo dhaaf kale oo aan sharci ahayn kuma fadhiyo karo wadankuna is badal ayuu u baahan yahay , hadii uu taas ku dhiiradana waxay noqonaysaa bog cusub oo leh go’aan dhiiran iyo damac sugan oo sadkiisa heli kara.
Hadaba akhriste waxaynu dhawrnaa waa ka dhiiran doona ee taariikh cusub jeexi doona.
Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com
12/05/2015,
