Uncategorized

Mudo kordhintan Xukuumada Siilaanyo waa Qiyaamo Qaran oo Qiil loo sameystay taas oo lagu buruburinaayo Hanaankii geedi socodka Somaliland

Mudo kordhinta xukuumada loo kordhiyey waa Fadeexad iyo Fashilaad qaran, taas oo ku saleysan khariidada dhoobo-qaadka boobka hantida maguuraanka ee ummaddan baahan ee tawsta iyo tabaalaha la tiiraanyeysan.waxay aheyd in ay Golaha Guurtidu ansixiyaan waqtigii xisbiyada qaranka, komishanka qaranka, madaxweynaha iyo daneeyayaasha Somaliland ee caalamku ay isku wada raaceen oo ahaa 26/6/16. Waxay aheyd in ay Guurtidu xaq-soor noqdaan oo yidhaahdaan ” Hadba ninka Hooyday qabaa waa adeerkay“.Xaaladaha Madaxweynaha iyo Wakiiladaba loogu kordhin karo mudo kordhin waxay ku cad yihiin Dastuurka qaranka waana ay ka  been sheegeen kana talaabsadeen Golaha Guurtidu.
                           Soomalida ayaa ku maah-maahdaa ” Hal-xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”
 
Sida aad la wada socotaan Golaha guurtida waxaa lagu magacaabay shir beeleedkii Hargeisa iyo axdi garameedkii Boorama ee 1997. mudadaa dheer ee
ka danbeysay waqtigaa Golaha Guurtidu sharci daro ayey ku fadhiyeen kuraasta, xubnihii la soo doortayna waxaa ka sii nool ilaa 11 xubnood oo keliya inta kalena  waxay kuraasta ku heleen oo ku fadhiyaan  dhaxaltooyo aan aqoon iyo kartitoona lagu cabirin ee ku buuxi uun iska ahaa.
   Hadaba mudo kordhitaa aan dhu-dhunka iyo dhumucda lahayn ee Guurtidu Sameysay kumay saleyn Xaalada dhabta ah iyo xaqiiqooyinka dalka ka jira.
a)- Guurtidu diiradooda may saarin saameynta taban ee ay ku yeelan doonto mudo kordhintan dheeri hanaankii Geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland iyo Deeqaha ay JSL ka hesho Daneeyayaasha Dimuqraadiyada JSL iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horeeyaan qaramada midoobey.
b)- Guurtidu May yaqiinsan Sharafta iyo karaamada ay JSL u yeelan karto Doorashooyin xor ah, xalaal ah oo waqtigaa la isku raacay ku dhaca.
c)- May tixgelin Xeerarka dastuurka ee sida cad u qeexaya mudo kordhinta Golaha wakiilada iyo mudo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
   Sidaa  daraadeed mudo kardhintani waxay noqoneysaa Dhawaaq Jaah-wareesan oo dhabarku uu muuqdo oo lagu boobaayo hantidii qaranka.laguna jaahwareerinaayo shacabweynaha isbedel-doonka ah ee Somaliland,kaas oo hintaaqo iyo horseed hor leh u noqon doonta duufaano siyaasadeed, dabin isu maleeg iyo khilaaf joogto ah oo ragaadin doona sadexda Dhar-dhaar ee bud-dhiga  u ah qaranimada iyo midnimada Somaliland ku soo caano maashay.
   Muwaadin ! bal hoos u dhugo mudo kordhimihii  Doorashooyinkii Xukuumadihii hore ee kala danbeeyey ee Somaliland ka dhacay ee uu Odey Saleebaan ka shidaal qaatay ee uu mudo kordhintan maanta taagan uu baleysinka uga dhigay isaga oo ku hadaaqay hadalo aan mariibneyn oo aan macne badan lahayn isla judhii uu madaarka Caasimada Hargeisa ka soo degayba:
1- Doorshooyinkii dawladaha hoose ee ugu horeeyey ee  ka dhacay JSL 7/12/2002 – Waxaa dhigeedii dhacay 28/11/2012 
2- Doorashadii madaxweynaha ee ugu horeysay oo dhacday 14/4/2003 –   Waxaa dhigeedi dhacay 26/6/2010
3- Doorashadii Golaha wakiilada ee ugu horeeyey oo dhacday 29/9/2005 – Waxaa loo qoondeeyey in ay dhacdo 28/4/17
4-Doorashada madaxweynaha oo ku beegnayd in dhacdo 26/6/2015–        Waxaa loo qoondeeyey in ay dhacdo 27/4/2017
 
– Waxaa Shacabka JSL ay wada ogaayeen Saleeban Gaal Sidii uu ugu gurmaday ee uu ugu Hiiliyey Xisbiga Kulmiye Mudo kordhintii dalka ka dhacaday 2009.
– Waxaa Shacabka JLS ka dheregsanyihiin Sidii uu ugu Gurmay Khilaafyadii kala danbeeyey ee hadheeyey Xisbiga kulmiye.
– Waxaa shacabku wada ogaa sidii uu ka yeelay Xisbigii Guunka ahaa ee Ubud ee uu burburkiisii indhaha ka qarsaday.
– Hadaba marka dib loo raaco taariikh-nololeedkii Saleebaan Gaal waxaa waxgaradka JSL isku wada raacay in aanu Oday Saleebaan dhex u noqon karin JSL. in aanu dhex u noqon karin xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland.
 
 
Haatan iyo Dan !! Doorashooyinka oo waqtigooda lagu qabtaa waxay ka turjumeysaa oo ay fariin u tahay Qaab dhismeedka iyo haykalka dawladnimo ee JSL.Waxaa xaqiiq ah in indhaha caalamku dib u eegi doonaan nidaamka dawladeed ee maanta ka jira Somaliland. Mudo kordhintan indo la’aanta ahi waxay ka hor imanaysaa heshiisyadiii deeq-bixiyaasha iyo dhamaan Daneeyayaashii,saaxiibadii iyo wakiiladii caalamka u metelaayey SL ee ayidsanaa jiritaanka iyo gooni isu taaga JSL, waxaana ay uqaadanayaan caalamku hada in Guurtidu ay si indho la’aan ah u ilaalinayaan kursiga madaxweyne Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Saylici. Waaxa ay mudo kordhintani ay mugdi iyo mad-madow ku meereysaa kala danbeyntii haykalkii iyo hayadihii dawladnimo, higsigii fogaa ee qaranimo ee aqoonsi raadintu buddhiga u aheyd.
 
Waxaa waxgaradka iyo aqoon yahanka JSL ay isku wada raaceen in mudo xileedkan hada loo kordhiyey xukuumada Siilaanyo aaney ku saleysneyn wax xaqiiq ah iyo xaalada dhabta ah ee dalka ka jirta hadda, Waana Mashruuc qorshaysan oo lagu xaalufinaayo laguna dhoobo qaadayo hantida maguuraanka ah ee dalka. Waxaa xukuumada  Somaliland la gudboon in si shacabku u kala gartaan Puntland iyo Somaliland ay ka koraan khidada daciifka ah ee deris ku noosha ah ee duunyo lunsiga ah ee damaca iyo danta gaarka leh ee mudo kordhintani ku fadhido. Waxaa Xukuumada Somaliland la gudboon in ay meel mariyaan taabo gelinta Himilooyinkii Geedi socodka hanaankii Dimuqraadiyada Somaliland, waana in aanay ka soo horjeesan karaamada iyo sharafta qori isu dhiib-dhiibka shan sanadlaha ah ee kursiga dalka ugu sareeya uu Dastuurku siiyey. Xukuumada Somaliland waa in ay ilaaliyaan Maslaxada, danta iyo rabitaanka isbedeldoonka Dimuqraadiga ah ee JSL.Waa in ay ilaaliyaan xuquuqda doorasho doonka, Xoriyatal qawlka iyo mudaaharaadyada Salmiga ah ee Dastuurka qaranku baneeyey.
Gunaanad: Siyaasadda guracan ee  xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,waxay lumisey burjigii, burhaantii iyo buruudkii qaranimo,.Sidaa daraadeed Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in ay midoobaan mucaaridku oo  isbahaysiga Mucaaridku ay shirweyne Qaran  isugu yimaadaan si  xal loo raadiyo oo wadanka looga badbaadiyo Haadkan iyo Haanraaweyaasha ku habsaday laguna soo dabaalo wadanka midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London