Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Midawga Yurub ayaa la Sheegay inay Hakiyeen Adduun dhan 35 Milyan Dollar oo ka Mid ah Caawimada ay Somaliland u fidiyaan , Lacagtaasi oo ay ku Fulinjireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Waxa kale oo wararku sheegayaan in Wasiiro Xukumada ka Tirsan Accounadii ay ka Xidhayaan, Arrintan ayaa ka Dhalatay Markii Safiirka Midawga yurub uu Shallay Hargeysa Yimid isaga oo Hadalo kulkulul ay iswaydaarsadeen Madaxweynaha Somaliland isla markaana ku hanjabay in Deeqihii ay siin jireen Somaliland ka jarayaan, Waxaana la Fillayaa in maalinta Sabtida Shirjaraa’id Magalada Nayroobi ku qabbanayaan Safiirada Dawlada Ingiriiska, Norwey, Denmerka, Sweden, Maraykanka iyo Filland oo ay kaga hadlaayan Xidhiidhkii Somaliland halka uu ku danbeyn doono. .
Hargaysa SDN/QJ
