Hargaysa 14.May 2015 (SDN/QJ)- Waftiga beesha caalamku soo wakiilatay ee ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa madaxda xukuumadda iyo Guurtida Somaliland ku eedeeyey in ay ka talaabsadeen mudo-kordhintii Komishanka u cayimeen doorashooyinka (1-da July 2016-ka) cunaqabatayn la saari doono 14 shakhsi oo ka mida labada waaxood ee fulinta iyo sharci-dajinta. sida madaxda dawlada iyo xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, iyo xubno kale oo aan dawlada xil muuqda ka hayn.
Sida ay Sheegayaan Ilo dublamaasiyadeed oo fadhigoodu yahay dalka Kenya isla markaana Gacan ka gaysta hannaanka Geedi socodka dimuqradiyada Somaliland ayaa Fariintan soo faray safiirka Midowga Yurub ee Somalia iyo Somaliland danjire Michael Cervone oo hawlo shaqo u yimid Somaliland,Balse ilaa iyo Hada si Cad looma sheegin Xubnahan In Xayiraada lagu soo rogo la damacsan yahay Magacyadooda,Inkastoo loo fasiray Cadaadiska ay beesha caalamku ku diidan tahay Mudo kordhintii Golaha Guurtida.
Dhinaca kale waxay guddoomiyaha golaha wakiilada u soo jeediyeen in uu is casilo isaga iyo xubnaha xisbiga wadani ee ku jira golaha wakiilada si ay mudo kordhintan faashilka ahi u fashilanto, Taas oo uu mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ka biyo diiday.
Hargaysa SDN/QJ
