|

Minneapolis oo yeelatay Schoolkii u horeeyay ee Mareykanka oo lagu barto Afka Soomaaliga

Minneapolis Dec 01,2012(SDN)-Gobolka Minneapoliska ee dalka Mareykanka ayaa yeelanaya Schooladii Sare ee u horeeyay ee lagu barto Afka-Soomaaliga.

Dugsiyada Waxbarasho ee dawladu gacanta ku heyso ayaa waxa haatan wax ka barta in ka badan 2,800 oo arday oo aqalkooda uga hadla Afka-Soomaaliga.

Dugsiga sare ee South High ayaa durba waxa fasalkan Afka Hooyo lagu baranayo waxa durba is qoray 60 Arday.

Minneapolis ayaa tirakoob la sameeyay 201okii waxa lagu ogaaday in ay ku nool yihiin ilaa 60,000 oo ruux,waana gobolka ay Soomaalida ugu badani ku nool yihiin.

Kormeeraha dugsiyada Minneapolis Dr. Bernadeia Johnson ayaa sheegtay in dalab uga yimi Waalidiinta Ardeyda Soomaalidu ay u cadeeyeen rabitaankooda ku wejahan in ubadkoodu bartaan afkooda hooyo.

“Lama dafiri karo faaiidada ku jirta barashada luuqada hooyo,sidoo kale waxaa iga goneyd in aan meel mariyo rabitaanka waalidka Ardeyda Soomaalida”ayay tiri Dr. Bernadeia Johnson.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed