|

Miyey Baxsadeen Magaalada Mosul Hogaamiyaasha Ururka Daacish?

Mosul 29.October 2016 (SDN/QJ):-Waxaa jira dareen sii kordhaya oo ah in marka ciidamada isbaheysigu gacanta ku dhigaan magaalada Mosul ee dalka Ciraq aanan halkaasi loogu tagi doonin hogaamiyaasha sare ee ururuka Daacish, marka laga reebo tiro yar oo dagaalyahana ah hadiiba loogu tago.

da679588-0abf-412b-bfdc-5edc924fd1e4_w987_r1_sHadalkaan ayaa waxaa isku waafaqay saraakiil hore iyo kuwo iminkaba shaqeeya oo ka tirsan mukhaabaraadka reer galbeedka.

Arrintan ayaa imaaneysa todobaadyo yar kadib marki la sheegay in hogaamiyaha ururka Daacish Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhumaaleysano god dhulka hoostiisa ah oo ku yaala meel ka mid ah magaalada Mosul.

Milatariga Mareykanka wuxuu sheegay inuu rumeysanyahay in qaar ka mid ah hogaanka Daacish ay mar hore ka tageen Mosul sababo la xiriira duqeymaha isdaba jooga ah ee lagu wado magaalada oo dhabar jab u geystay kooxda.

Comments are closed