|

“Siyaasiga Hore Ugu Fashilmay Siyaasaddu Waa In Dadku Il-Gaar Ah Ay Ku Eegaan Oo Cid Saaxadda Ka Saatya Helaa” Rooda Axmed Yaasin

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanayd gobolka Saaxil marwo Rooda Axmed Yaasiin,ayaa  ka hadashay muunad-baxa ku dhacay garaadka iyo xusuusta bulshada, waxana ay si adag u dhaliishay ashkhaasta siyaasadda  hore ugu fashilmay ee haddana dadka weli soo hortaagan.

marwo-rooda-axmedMarwo Rooda oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa farta ku fiiqday sida aanay bulshada reer Somaliland ugu dhiirranayn inay iska dhexsaarto siyaasiga saaxadda hore ugu fashilmay ee lasoo tijaabiyey, waxana iyagda oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi, “waxad moodaa inuu isku mulaaqan yahay oo ninkii siyaasiga ahaa ee kharribnaa oo uu waayey cid saaxadda ka saarta, ninkii siyaasiga ahaa ee siyaasadda hore ugu fashilmay waa inay dadku il gaar ah u yeeshaan.”

Rooda Axmed Yaasiin oo hadalkeeda sii wadata, ayaa bulshada ku canaanatay inay sacabka u tumayaan siyaasiyiin hore tijaabadii la geliyey ugu fashilmay, kuwaas oo ilaa xilligan u xiiqsan sidii ay xilal kale u heli lahaayeen,“Siyaasadda qasan ee maanta canaanteeda bulshada ayaan saarayaa, waayo ninkii shalay wax qarribay ayey maanta dib u caashaqayaan, Dadkuna waa inay bartaan siyaasiyiinta maanta oo ay doorasho kala yeeshaan, siyaasiyiintuna rag danaystayaal ah iyo rag daacad ah ayey iskugu jiraan.” Ayey tidhi Rooda Axmed Yaasiin.

Comments are closed