MOSCOW, October 21, 2013 (SDN)- Masuuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in ilaa lix (6) qof ay ku dhinteen Isniinta maanta ka dib markii gaadhi noociisu Bas yahay gudaha magaalada dhinaca Koonfureed ee Volgograd lagula eegtay wax ay baadheyaashu ku sheegeen inuu ahaa ‘weerar qarax oo ismiidaamin ah’.
Siday ku warantay wakaalada wararka RIA Novosti, warka weerarka argagixiso waxa uu dib usoo kiciyay walaacyada dhinaca amaanka, iyadoo Ruushku isku diyaarinayo inuu qabto Ciyaaraha Olympics ee Jiilaalka, kaasoo horaanta sannadka soo socda ee 2014 lagu qabanayo magaalada Sochi.
Baadheyaashu waxay sheegeen in weerarkaas ay fulisay haweenay 30-jir ah oo ka timi deegaanka degenaansho la’aantu ka jirto ee Waqooyiga ee Dagestan ee dalka Ruushka, kaasoo ay kala-qaybiyeen qulqulatooyinka dhaqdhaqaaqyo Islaamiyiin ahi muddo toban sannadood ka badan.
Afhayeenka Guddiga Baadheyaasha dalkaas Mr Vladimir Markin wuxuu sheegay, in marka la eego sida goobjoogeyaasha laga soo xigtay, in qaraxu dhacay ‘qiyaastii isla markii ay gabadhu baska fuushay’.
Masuuliyiinta Ruushku waxay sheegeen in tirada dhimashu u dhexayso 5-ilaa-6 qof. “Hadhaayada walxaha qarxa ayaa laga helay goobta qaraxu ka dhacay,” ayuu RIA Novosti u sheegay mid ka mida sharci-fuliye maxali ah oo ku sugan Volgograd.
Abaarro 4:00 galabnimo waqtiga Ruushka, 27 qof oo ay ku jiraan 8 xaaladoodu liidato ayaa la gaadhsiiyay cusbatalka, siday sheegeen hawlwadeenada adeegga caafimaadku.
Xafiiska badhasaabka Volgograd ayaa sheegay in dhibaneyaasha qaraxaas loo fidin taageero lacageed. “Muhiimada koowaad, waa in loo fidiyo taageero daawayn ah,” ayuu yidhi wakiil ku hadlay magaca xafiiska badhasaabka gobolka.
Qaraxa oo la fuliyay abaaro 10:00GMT, wuxuu ka dhacay degmada Kransoarmeisk ee magaalada Volgograd, taasoo hore loogu yaqaanay Stalingrad.
Qurbejoog.com, Moscow
