|

Mucaaradka Koonfur Sudan oo weeraray magaalo muhiim ah

Juba 31.Dec 2013 (SDN)- Mucaaradka ka soo hor-jeeda dowladda Koonfur Sudan ayaa weeraray magaalada muhiimka ah ee Bor.

Mucaaradka-Koonfur-Sudan-300x168Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu dagaalka ka billowday waabaragii maanta meel aan ka fogayn dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada.

Afhayeen u hadlay ciidanka Koonfur Sudan ayaa xaqiijiyay inuu ‘dagaal weyn’ socdo.

Maanta waa maalintii ugu dambaysay ee hoggaamiyeyaasha gobolka ay u qabteen madaxweyne Salva Kiir inuu wada-hadal la yeesho ku xigeenkiisii hore, Riek Machar, oo lagu eedeeyay inuu isku dayay afgambi sababay rabshadaha socda.

Balse dadka u kuur-gala arrimaha siyaasadda Koonfur Sudan ayaa qaba inaysan suurtagalayn in lala kulmo dalabka madaxda Afrikaanka.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka Koonfur Sudan ay u dabbaaldegeen dib u qabsashada magaaalada Bor oo ay kala wareegeen xoogagga mucaaradka – balse waxay hadda u muuqataa inay mucaaradku soo noqdeen, dibna u qabsadeen deegaanno badan oo hoos-taga magaalada.

Beryihii dhowaa, kumannaan dad ah ayaa ka qaxay magaalada Bore ee xarunta gobolka Jonglei.

Juba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed