|

Mudaharaaddo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Burco Iyo Ceerigaabo Ku Dhawaaqistii Natiijadda Doorashada Ka Dib

Hargaysa 22. November 2017 (SDN/QJ):-Ku dhawaaqistii natiijada doorashada Madaxtooyada ee shalay galab, ka dib waxa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ka dhacay rabshado dhex-maray Ciidanka Ammaanka iyo Dad rayid ah, isla markaana waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac gaadhay dad shicib ah.

Siday sheegeen warar naga soo gaadhay magaalooyinkaasi rabshuduhu waxay bilowdeen kadib markii Hargeysa lagaga dhawaaqay natiijadda doorashada. Magaaladda Burco waxa isku dhacay dhalinyaro cadhaysan oo u badnaa taageerayaasha xisbiga Waddani iyo ciidan millateri ah oo la sheegay  inay maalmahanba joogeen qaybta galbeed ee magaaladda, isla markaana waxay wararku tibaaxeen in hal qof ku dhaawacmay, taasoo la sheegay inay haweenay tahay.  Wararku waxay intaa ku dareen, in odayaasha iyo waxgaradka magaaladdu ku guulaysteen joojinta mudaharaadkaa, isla markaaana ay xaaladu ku soo noqotay caadi.

Qaar ka mid ah waxgaradka ka qayb qaatay daminta rabshadaa ayaa Wargayska Ogaal u sheegay in aragtida ciidamo dariiqyada magaalada la soo dhigay ka hor mudaharaadku uu sababay gaddoodka dhalinta. Sidoo kale magaalada Ceerigaabo ayaa mudaharaad noocaas oo kale ahi ka dhacay, isla markaana waxa la sheegay in laba wiil ku dhaawacmeen banaanbaxaa rabshadaha watay, kuwaasoo wararka qaar tilmaameen in mid ka mid ahi geeriyooday markii dambe.

Wararka naga soo gaadhay Ceerigaabo waxay sheegeen, in ciidanka Boolisku rasaas uu hoos u riday ay sababtay khasaaraha, iyadoo mudaharaadayaashuna ay tuurayeen dhagxaan. Hase yeeshee lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan oo ay gaysteen banaanbaxyadaa rabshadaha watay. Kuwan qaar la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo maalmo ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijadda doorashada, isla markaana waxa shaqaaqooyinkaa ku naf waayay dad rayid ah, qaar kalena way ku dhaawacmeen, ciidamada ayaa iyana waxyeelo ka soo gaadhay.  Dhinacyo badan oo waayeelka iyo waxgaradka ka mid ah ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha, isla markaana ciidamada ugu baaqay in aanay hoos ugu ridin rasaasta dadka shacabka ah. Rabshadahan ayaa salka ku haya hirdan siyaasadeed oo ka dhashay ollole doorasho oo si wayn dadku ugu qaybsamay.

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed