Baydhabo 18.Swp 2013 (SDN)- Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee laga soo doorto gobolka Gedo oo howlo shaqo maalmihii u dambeeyay ku joogay degmooyin ka tirsan gobolka ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xildhibaan Cismaan Aw-Libaax oo ka mid ah mudanayaashii booqday gobolka Gedo ayaa ku sheegay ujeedka safarkii ay ku tageen gobolka in ay ahayd u kuur gelidda xaaladaha ka jira gobolka iyo in ay ogaadaan baahiyaha shacabka gobolka, taas oo ka mid ah qodobbada uu dhigayo xeer hoosaadka baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in dhageysi iyo kulamo ay la sameeyeen qeybaha bulshada ee degmooyinka ay booqdeen ay u suurta-gelisay inay ogaadaan baahiyo badan oo ka jira gobolka, maadaama gobolka uu ka fog yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Aw-Libaax ayaa xusay in uu dayac xooggan ka muuqdo goobaha adeegyada bulshada, kuwaas oo aan wax dayactir ah helin wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in warbixinta gobolka loo gudbin doono golaha baarlamaanka iyo wasaaradaha ku shaqada leh baahiyaha ka jira gobolka si loo helo adeegyada uu shacabku u baahan yahay.
Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorsheyaal xildhibaannada baarlamanka ee Soomaaliya loogu kala diray gobollada ay ka soo jeedaan si ay u soo gudbiyaan xaaladaha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.
Baydhabo SDN.
Qurbejoog.com
