Uncategorized

Mudane Baarlamaanka Somalia Ka Tirsan Oo Saaka La Dhaawacay Iyo Ilaaladiisii Oo La Laayey

Muqdisho:Dec.04,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka laga helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo Hubaysani ay dhaawac gaadhsiiyeen Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia, xilli uu kusii jeeday Fadhiga Baarlamaanka oo maanta loo ballansanaa.

???????????????????????????????Dhacdadan lagu dhaawacay Mudanahan ayaa waxa ay ka dhacday Goobta loo yaqaano Via Rome ee Xamarweyne, gaar ahaan aagga Xawaaladda Dahabshiil, waxana Halkaas ku dhintay Laba kamid ahaa ilaalada Mudanahaas.

Mudanahaas  oo lagu magacaabo Mayoow Mustaf, ayaa waxa gaadhay dhaawac aan ilaa haatan xadkiisa la caddaynin, waxana haleeshay rasaas xooggan oo lala eegtay gaadhigii uu saarnaa xilligaas.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Mohamed C/qaadir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkani uu dhacay, laguna dhaawacay Xildhibaankaasi.

Kooxaha weerarka geystay ayaa watay gaadhi yar oo nooca raaxada ah waxaana ay ka baxsadeen durba goobtii ay weerarka ka geysteen.

Degmada Xamarweyne ayaa hore waxaa loogu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa kalena waa lagu dhaawacay.

Falalka ammaanka ka dhan ah ayaa kusoo badanaya Magaalada Muqdisho, shalay ayey aheyd markii qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday afaafka hore ee Garoonka Muqdisho, xilli halkaasi ay maraayeen kolonyo gaadiidka Amisom ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com