|

Mudane Weli Axmed Xaawo oo ka Dayriyay Xaalada Nololeed ee Bulshada Somaliland

Hargeysa 28.Feb 2015 (SDN/QJ):-Xildhibaan Weli Axmed Aadan(Weli-Xaawo), oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay marxalada guud ee maanta ay marayso xaalada dalku, waxaana uu sheegay in ay guud ahaanba dalka ka jirto xaalad aad u adag isaga oo tilmaamay in bulshada ku dhaqan wadanka gudihiisa ay si xooga u saamaysay shaqo la’aan baahsan oo sababtay in dhalinyartii wadanku ay ka tahriibaan, biyo la’aan iyo waliba sida oo kale hoos u dhac ku yimi xaga iibka xoolaha oo ay bulshadu aad ugu tiirsan tahay, kaasi oo sababay in heerka nololeed dadka masaakiinta ahina ay noqoto mid aad u liidata.

Xildhibaan Weli Axmed Aadan(Xaawo), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale uu iftiimiyey in waxbarashada hada ay ka soo qalin jabinayaan sanad walba boqolaalka ardayda ahi aanay ahayn tii loo baahna, isaga oo tibaaxay in loo baahan yahay in ardayda laga dhiso dhinaca farsamada gacanta si ay wax u taraan bulshooyinkooda ay ku dhex nool yihiin.

“Waxaan leeyahay dalku imika waxaa uu marayaa waa marxalad adag, haddaad eegto suuqa Hargeysa maanta inta taagan ee camal la’aantu hayso aad ayey u badan tahay, shaqo la’aantu waxay maraysaa maanta waa 75%, guud ahaanba biyo la’aan aad u baahsan ayaa ka jirta magaalada Hargeysa, xoolihii lama iibsanaayo, Saylada waaba laga joojiyey qaalmahii, adhigii isaga waxyar ayaaba la siisanayaa, abaar baahsan ayaa dalka ka jirta, dhalinyaradan Tahriibaysa ayaa aad u badatay gaar ahaan kuwa ka qalin jabinaya jaamacadaha. Markaa dee soo maaha in aan wax badan iska waydiino oo arrintaasi ay tahay mid u baahan in la jiheeyo dhalinyarta guud ahaanba, runtii waxbarashada aynu baranaa maaha tii anfacaysay dalkeena, maalin walba waxaad arkaysaa 750 arday oo qalin jabiyey oo aan haysan meel ay u shaqo tagaan, soo su’aal ah in qofku iswaydiiyo inteeba ay anfacday waxbarashadani, miyey tahay waxbarshadani tii dalkeenu u baahna?.Annigu waxaan leeyahay maya. waxaa aynu u baahanahay waxbarashadii farsamada gacanta waayo waxaa aynu nahay dal curdin ah oo baaba’ay una baahan in la dhiso, waxaa loo baahan yahay in ardayda la baro Nijaarnimada, Laydhka, biyo galinta, wastaadnimada iyo waxii kale ee la hal-maala, oo waxbarashada aynu u baahanahay in dhalinyarteenu maanta ay bartaan waa kuwaa waxbarashada Badda, Caafimaadka, wax soo-saarka beeraha, sida xoolaha loo daweeyo.”Ayuu yidhi Weli Axmed Aadan.

Weli Xaawo, waxaa uu sida oo kale ayaan darro uu ku tilmaamay in shaqaalaha Ajaanibka ah ee dalka dibadiisa ay shirkadaha qaar ka soo kiraysanayaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in shaqada loo soo kaxaysanaayo ay dadka ku nool wadanka gudihiisu qaban karaan, balse laga  doorbidaayo dadka ka imanaaya dhinaca dibada, waxaana uu yidhi:

“Nasiib darrada jirta ayaa waxaa ay tahay shaqooyinkaas oo dhan waxaa loo keenayaa waa Ajanabi, waana hadda shaqooyinkii hoose ee ay dadkeenu qaban karaayeen, arrintaasina waxaa ay u baahan tahay in hoos loo eego, waxaad arkaysaa Hindi dalka la keenayo, Suuriyaan, Ugaandhiis, Kenyaati iyo niman kale oo Afrikaan ah oo shaqooyin ay dadkeenu garanayaan qabanaya.”.

Xildhibaan Weli Axmed Xaawo, waxaa uu ugu danbayntii ugu baaqay guud ahaanba madaxda iyo haldoorka kale ee umaddu in aanay kaliya ku koobnaan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii danbe dalka si aada looga hadal hayey, waxaana uu soo jeediyey in gurmad loo fidiyo bulshada danyarta ah ee habeen walba seexanaya iyaga oo qatan.

“Markaa waa in maanta aan mawduuceena lagu koobin oo qudha doorashada iyo wakhtigeeda ay dhacayso se waa in laga fakeraa danta umadda masaakiinta ah, waxaana ay u baahan yihiin in dhamaanteen aynu ka wada qayb qaadano sidii bulshadeena gurmad loogu fidin laha.”Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawo.

Comments are closed