Uncategorized

“Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye Waxaan Leeyahay Ha igu Kalifina inaan Siyaasada dib ugu Soo noqdo Waayo looma adkaysan karo amni daradan idinku aad abuuraysaan” Mulkiilaha Hutel Crown

Hargaysa 05.Dec 2014 (SDN/QJ)- Mulkiilaha Hotel-ka Crown ee magaaladda Hargeysa Cismaan Cabdlaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey weerarkii iyo rabshaddii Shalay ka dhacday hotelkiisa, kaas oo ay ku soo qaadeen koox dhalinyaro ah si qorshaysan isku soo abaabushay isla markaana baabuur badan jajabisay, waxyeelaysay dhismaha hotelka.

Cismaan-HindiCismaan Hindi Waxa uu Ku Dooday inuu yahay Ganacsade u Madax bannaan Cida uu Huteelkiisa ka Kiraynayo isagoo sheegay in Sadexda Xisbi iyo Dawladaba uu u dhexeeyo “Saxaafada Waxaan idiin Sheegayaa in Sadexda Xisbi iyo Siyaasadaba aan ka Madax bannaanahay oo aan Ganacsade ahay,Waxaan ahay Muwaadin Somaliland ah oo Ganacsade ah oo u Madax bannaan Cidii uu Huteelkiisa ka kiraynayo,Waayo Waxaan ahay Cashuur Bixiye” .

Cismaan Hindi Waxa uu Intaas ku daray “Xukuumada iyo Xisbiyada Qarankuba way iman karaan oo way kiraysan karaan Huteelkayga,laakiin arrinta la wado ee Ciyaalka la soo abaabulay ee la leeyahay Shiida Xisbiyada qaranka Meelaha ay ku qabsanayaan XafladahaMas’uuliyadaas oo dhan waxaan dusha u saarayaa Xukuumada ”

Cismaan Cabdlaahi Cigaal (Cismaan Hindi) Waxa uu Fariin u diray Dawlada isagoo yidhi “Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye Waxaan Leeyahay Ha igu Kalifina inaan Siyaasada dib ugu Soo noqdo,Waxaan ahay Ganacsade Madax bannaan ee Mar labaad Siyaasada ha igu soo Celinina Waayo looma adkaysan karo amni daradan idinku aad abuuraysaan, Waxaan Madaxweynaha ka Codsanayaa Ilaalinta Amniga wuxuu Waddankani Wadan ku yahay Ilaalinta amniga “.
Cismaan Hindi waxa uu tilmaamay in laba saldhig oo halkaasi aan ka fogayni waxba ka qaban waayeen weerarka fawaxishnimada ah ee lagu soo qaday Hoteelkisa isaga oo ah shaqsi muwadin ah“Labadii Saldhig ee Waxa Yar ii Jiray Midna Muu Soo Gurman Waxa Xabad dhacaysana waad Maqlaysaan Mudane Madaxweyne uma dulqaadan karo dhacdadan la ii gaystay.” ayuu yidhi Cismaan Hindi oo la hadlay warbaahinta.
Saldhigyada booliska oo wax oo kagu dhawi wax ka yar 40 Mitir u jiro uu dhegaha ka furaystay weerarka lagu qaaday Hotelka,isla markaasna dalab uu ku dalbaday in ciidan loo soo diro laga dhagaysan waayey,Taas oo ka Dhigan in Kooxda Falkan soo abaabushay ay rabtay  in uu u dhaco sidii loogu talo galay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com