Uncategorized

Muqdisho oo laga hirgelinayo Iddacada Haweenka u gaar ah

Muqdisho April 07,2013(SDN)-Waxa dhawaan xaafada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho ka hawlgeli doona Idaacad u gaar noqon doonta Hawlwadeeno Dumar oo ah oo xooga saaro doona arrimaha Hawennka.

Amaan Radio oo ay wada jir u maalgelinayaan Xarunta Nasiib ee tababarada saxaafada haweenka iyo qaar ka mida haweenka qurbejooga ayaa waxa ka hawlgeli doona uun Haween.

Iddaacada ayaa waxa ay si gaara diirada u saari doona arrimaha Haweenka waxaaney kor u qaadi doontaa wacdiga haweenka Soomaaliyeed,sida ay sheegtay Farxiya Faarax Rooble oo ah kaaliyaha agaasimaha Idaacadda Amaan.

Magaalada Muqdisho oo ah ta ugu Iddaacadaha badan Qaarada Africa ayaan haatan laheyd Radio diirada saara macluumaadka Haweenka.

Furitaanka Radio Amaan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan magaalada Muqdisho lagu dilay Suxuufiyadii u horeysay.

Hay’adaha u ololeeya xuquuqdaha Suxuufiyiinta ayaa Soomaaliya ku tilmaamay halka ugu khatarta badan ee ay Suxuufiyiini ka hawlgasho.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com