Uncategorized

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo wadahadaladii Somaliland ka gashay ee Turkiga ku Macneyey mid guuldaraystay Xukumaduna ku eedeyey inay meel is ka dhigtay qodobkii ugu muhiimsana ee gooni isku taga somaliland

Boston 15 April  (SDN ) Musharaxa Madaxweyne ee Mustaqbalka ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa ,ka deyriyey qodobo ku jira War- murtiyeedkii wefuudii ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo ku kala saxeexdeen Magaalada Ankara-Turkiga.
Jamaal wuxuu sheegay in wadahadalada ay yeesheen wefuuda Somaliya iyo Somaliland ee Xasan Shiekh Maxamuud iyo Siilanyo kala hogaaminayeen ku soo urureen in la sii wado wadahadalo labada dhinac yeeshaan ama dhexmara mustaqbalka balse aan laga hadlin qodobadii Bulshoweynta Somaliland filaayeen in Miiska la saaro ama Ankara lagu gorfeeyo.
Wuxuu Jamaal daaha ka feyday inaanu fahmin qodob ku jira war-murtiyeedka oo ka ku saabsanaa in Somaliland iyo Somaliya iska kaashadaan ama wadaagaan xagga tababarka ciidamada,waxaanu sheegay inuu u fasirtay in Somaliland leedahay ciidamo tayo leh oo tababaran taas darteed ay Somaliya ka caawin doonaan xagga tababarada ciidamada.
Geesta kale wuxuu Jamaal ku celceliyey in madmadow iyo mugdi badani ka muuqdo qodob ku jira war-murtiyeedka Ankara oo ka hadlaaya deeqaha Bulshada Caalamku siiso Somaliya iyo sida loo qeybsanaayo iyo saamiga Somaliland la siinayo,wuxuuna Jamaal ku dooday in bulshada caalamku awel horeba si toosa mucaawimada iyo deeqaha u siin jirtay Somaliland balse aanu fahmin macnaha iyo xikmada ku jirta ama kulanka Ankara ugu dan leeyahay in hadda Somaliland caawimada loo soo mariyo Muqdisho sida war-murtiyeedka Somaliland saxeexday ka muuqata,wuxuuna intaas ku daray inaan wadahadaladu xataa cadeyn ,war murtiyeedkana lagu xusin sida loo qeybsanaayo deeqaha, in Somaliland 50% leedahay iyo inkale toona.
Isku soo wada duuboo wuxuu Jamaal sheegay inaanu u arkin in Kulankan ku dhexmaray Ankara Siilanyo iyo Xasan Sheikh Maxamuud wax xikmad ah soo kordhin hase yeeshee laga meeraystay,ama weftiga Siilanyo hogaaminaayey ka meeraysteen inay wajahaan xaqiiqada iyo gooni isutaagii Somaliland raadinaysay ee ahayd inay miiska wadahadala soo dhigaan.