|

Murashax madaxweyne Cirro uu berri hadlaya iyo waxa laga filayo

Hargeysa (QJ)- Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu la hadlo saxaafadda iyadoo si wayn loogu dheg taagayo hadalkiisa oo taageerayaal badani ay naawilayaan waxa uu ka hadli doono.

Xogo aanu ka helnay ayaa tilmaamaya in murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani uu sugayay hadalka maanta ee gudoomiyaha Golaha Wakiilada, iyadoo berri oo ka hadli doono mawqifyada xisbigiisa.

Go’aanada la filayo in uu ku dhawaaqo waxa kow ka ah dibad baxyo waawayn oo markan ka duwan kuwii ay hore u sameeyeen iyadoo arintan lagu war galiyay dhammaan gobolada Somaliland, waxaana jira ciidamo dheeraad ah oo Waddani dalbaday kuwaas oo sida aanu xogta ku helnay ay ugu talo galeen sugida amniga dadka dibad baxyada wada, gaar ahaan in ay ka difaacaan askarta xukuumaddu ay soo dirayso. Waxa sidoo kale uu Cabdiraxmaan Cirro shaacin doonaa diyaar garow ay dhammaan shacabka Somaliland ka yeelanayaan badbaadada Somaliland, iyadoo baaqa berri aanu ku koobnayn taageerayaasha xisbiga balse uu u dirayo dhammaan shacabka Somaliland. Arimaha kale ee uu soo qaadi doono waxa ka id ah wada ahdalkii iyo waxa ay ku wada hadleen Muuse Biixi iyo aragtida mucaaradka ee ku aadan doorashada ururada oo imika loo dareero.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka berri ayaa go’aaminaya dhacdooyinka dhici doona todobaadada soo socda gudaha Somaliland iyadoo mcuaaradku ay mawqifyo midaysan wataan.

Somaliland waxa ka taagan khilaaf culus oo salka ku haya goorta ay dhacayso doorashada ururada ee ay xisbiyadu kusoo baxayaan, taas oo Muuse Biixi rabo in uu qabto doorashadaas ka hor doorashada madaxtooyada halka mucaaradkuna ay aaminsan yihiin in doorashadaa la qabto kadib doorashada madaxtooyada ee 13 November, 2022.

Comments are closed