|

Xisbiga Waddani oo shaaciyay mawqifkooda xaaladda siyaasadda Somaliland

Hargeysa (QJ)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland ayaa maanta caddeeyay mawqifkiisa ku aadan khilaafaadka siyaasadda Somaliland iyo wada hadaladii burburay ee u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.

Sida uu hore Qurbejoog maqaaladii hore idiin ku soo gudbiyay, murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbiyada mucaaradka in ay kasoo qayb galaan dibad baxyo waawayn oo ka dhacaya dhammaan gobolada Somaliland. Cirro wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi in uu masuul ka ahaa wada hadaladii burburay.

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo Muuse Biixi ay u sinaan doonaan kursig amadaxweynaha marka la gaadho 13 November, 2022 oo ku beegan doorashada madaxweynaha.

Cirro ayaa qodobadan yidhi:

1. Waxa aan ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah in ay si balaadhan oo qorsheysan ugu diyaar garoobaan in dib loo bilaabi doono bannaan baxyadii nabadeed ama mudaharaadkii silmiga ahaa ee aynu hore u hakinay kuwaas oo ka qabsoomi doona dhammaan Gobolada & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Golayaasha Qaranka ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, waa in ay kula xisaabtamaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa Xil-gudasho la’aanta dastuuriga ah ee uu Madaxweynuhu ku kacay iyo dhibaatooyinka dalka ka dhacaya iyo duruufta adag ee uu dalku ku sugan yahay. Goloyaasha looma doorran in ay daawadayaal noqodaan, Golayaasha waxa shacbiga Somaliland ka sugayaan inay talada dalkan lagu bedbaadin lahaa hoggaamiyaan.
3. Ugu dambeyn, waxa aanu ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah in ay ka fogaadaan wax kasta oo nabadgelyada wax u dhimi kara, sida oo kale Ciidamadda nabad gelyada waxa aan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo karaamadda muwaadiinta bannaan-baxaysa, shacbigu waa kuwii aad ka dhalateen oo cadaw ma aha, mana geyaan in aad dhibaateysaan, ciddii shacbiga sida silmiga ah u soo baxaya dhibaateysa, ballan waxaa ah lala xisaabtami doono.

Comments are closed