|

Mus-Dambeedka Xisbiga Waddani Oo Diiradda Ku Haya Siyaasigii Hanan Lahaa Kursiga Guddoomiyaha Waddani Cirro Dabadii, Doorka Mansabkaasi Ee Shaxda Siyaasadeed Ee Mustaqbalka Iyo Siyaasiyiinta Illaa Hadda U Hanqal Taagaya

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo In Muddo ah waxa su’aalo kala duwani ka taagnaayeen bal cidda hanan doonta kursiga Xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga WADDANI, Guddoomiye Cirro dabadii, haddiiba uu xilkaasi wareejiyo iyada oo ay hore u soo shaac baxeen xogo tibaaxayay in Guddoomiye Cirro iyo Mus-dambeedka Xisbiga WADDANI marar badan ka wada xaajoodeen mustaqbalka mansabkaasi iyo doorka siyaasiga ah ee uu ka qaadan karo tartanka xisbigu ugu jiro hanashada hogaanka dalka gaar ahaan doorashooyinka Madaxweyne ee soo socda iyada oo warar hore warbaahintu u baahisay shaaca ka qaadeen in mansabkaasi ragga u hanqal taagaya uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah rug caddaaga siyaasadda Somaliland iyo aqoonyahan muddo ku soo dhex jiray masraxa siyaasadeed ee dalka.

14528190_1275015002533144_1445760032_nIlo-wareedyo u dhuun daloola Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay tibaaxeen in ay soo kordhayaan hadal haynta waxa uu noqon doono mustaqbalka siyaasadeed ee Mansabka Guddoomiye ee xisbiga WADDANI iyada oo ay wali furan tahay doodo iyo indho indhayn la xidhiidha cidda hanan karta kursigaasi haddiiba uu Guddoomiye Cirro mustaqbalka wareejiyo iyada oo ay soo baxayaan xogo tibaaxaya in aanay wali Mus-dambeedka xisbiga WADDANI meel ku tiirin aayaha mansabkaasi iyo waxa uu noqon doono oo u muuqda mid ay ku gali karaan gorgortan siyaasi ah oo miiisaan leh oo la xidhiidha xodxodasho iyo abuurista jawi uu ku iman karo nidaam gaashaan buuraysi oo dhex mara beesha Guddoomiye Cirro ee u badan taageerada xisbiga WADDANI iyo beelaha waaweyn ee qaranka ee kale iyada oo aan la ogayn halka ay sal dhigan doono dheesha shaxdaasi oo u muuqata imtixaankii ugu adkaa ee siyaasadeed ee soo wajaha mus-dambeedka WADDANI oo isha ku haya guul xisbigu ka soo hoyn karo doorashooyinka soo socda iyada oo lagu xisaabtamayo waaqaca dhabta ah ee dimuquraadiyadda beelaysan ee Somaliland.

Xogaha ka oo baxaya xaaladda mansabkaasi la xidhiidhaa waxa kale oo ka mid ah in Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah hormuudka siyaasiyiinta jiilka cusub ee Somaliland uu ka mid yahay ragga sida weyn u quuddaraynaya mansabka Guddoomiyenimo ee xisbiga WADDANI balse aan la ogayn in damacaasi qayb ka ahaa ajandayaasha wada xaajoodka garabka uu ka tirsan yahay ee is-bahaysigu mudada la lahaa WADDANI iyo in wax la isaga waydiiyey toona balse xogaha aan helaynaa waxa ay tibaaxayaan in doonistaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ay keentay in ay in badan oo mus-dambeedka iyo taageerayaasha WADDANI ahi u guuxaan soona dhaweeyaan damaca Xirsi.

Illaa imika lama oga halka uu sal dhigan doono arrinkan xasaasiga ahi iyada oo dhawaan la filayo in uu dhinac u dhaco ugu yaraan maadaama xisbigu isu diyaarinayo doorashada Madaxtooyada ee la filayo haddiiba ay dalka ka qabsoonto maadaama uu door weyn oo wax ku ool ah ka qaadan karo saamayn siyaasadeed oo u soo korodha xisbiga WADDANI oo illaa imika u muuqda xisbiga tartanka adag la gali doona xisbul xaakimka KULMIYE maadaama ay liidato xaaladda xisbiga kale ee UCID oo badhtanka ugu jira khilaafyo ragaadiyey.

Comments are closed