Uncategorized

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka Jawaab Celiyay dhaliil uu Madaxweyne ku Xigeenku u jeediyay

Hargaysa 12.Nov 2014 (SDN/QJ)- Musharaxa Madaxwanaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu Madaxwyne Ku-xigeenka Somaliland ku dhaliilay mucaaridka oo uu Jamaal ku sifeeyay in ay ahaayen cay iyo meel ka dhac uu ku kacay kii dalka hoggaankiisa ahaa.

jamaaliMurrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu maanta soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews isagoo dalka Maraykanka socdaal shaqo ku jooga, kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan

“Saaka markaan arkay warbaahinta internet-ka ee website-ka iyadoo masuuliyiintii dawladda ugu sareysay ay mucaaridkii caayayaan, ereyadda tusaalaha loo soo qaatayna ay ka mid ahaayeen ‘guryahiina iyo xafiisyadiina ayaa ururaya, isagoo Madaxweyne ku xigeenkii oo ku leh C/raxmaan Cirro “Xafiiskaagu wuu urayey” iyo Wasiirka Duulista Mr. Mohanad oo eray gaf ah oo guracan ku hadlay shaley mar uu baarkinka baabuurta la dhigto oo uu yidhi waan hagaajiyey, iyo gawaadhi uu ku sheegay dam-demis oo gaboobay ayaan keenay isagoo manno sheeganaya hadda waa shaqaddiisii ku waajibka ahayd; addeer waabu raagay dab demisku ayaa wuxuu Wasiirka duulistu ku yidhi mucaaridka iyo shacabka Somaliland ee xukuumadda ka soo hor jeedda; “Ragga caloosha ka buka, raga xaasidiinta ah, raga cuqdadu hayso, raga wax ma garatadda ah. ragga bilaa shaqadda ah, raga dhintay ee karaahiyadda ah, raga bilaa aqoonta ah, raga indhaha cudurku kaga dhacay, raga dibjirka ah iwm. Waxaan leeyahay waa kaas kuwii ay wax ka sugayeen reer Somaliland sidaas masuuliyadda iyo anshaxa ka baxsan u wada hadlaya dhamaantood. Waliba ku darsada oo Wasiirka Duulistu waa ninkii $10 million ee uu sii bisleeyey Daahir Rayaale ee dawladda Kuwait u dhiibtay inta loo dhiibay intuu cunay oo uu guriyo Ingiriiska ka siistay; haddana dhulkii danta guud intuu ka qaaday muwaadiniintii dalka oo uu warshad Karashar ka dhistay isagoo kula shuraakoobay inaadeerkii oo dhulkii danta guud ay iyagu ku shaqaystaan. isagoo lacagtii uu airportka ka dhacayna ku dhistay guryo uu ka iibsaday dalka Ingiriiska. Run ahanatii inuu ninkaasi hadlo mabay ahayn ee waxay ahayd inuu is gaabiyo oo uu dhuunto, haddii cadaaladi jirto wasiir Muhanad waa la xidhi lahaa oo madaarka muu joogeenba.

Mida kale bal ha ka jawaabo sababta ay diyaaraddii weyneyd ee Ethiopian airlines ee madaarka Berbera fadhiisan jirtay sababta ay u iman laadahay Airportka Hargeysa; markuu arrimahaasi ka jawabo ayey ahayd inuu ka jawaabo hadalka axsaabta. Isagoo wasiirka duulista ee isku halaynta u samaynaya wax walba uu afxumadda ku darsaday boob iyo tuuganimo, raga uu shaqo la’aanta ku caayeyna waxa idiin garqaadi doonta bulshadda Somalilalnd ee sharafta badan oo og nin shaqo la’aanta fadhiyey Ingiriiska, waxaanad tahay nin aan karti iyo aqoonn ku helin xilka uu hayo oo ku helay qabyaalad iyo xumaan.

Sida xaqiiqada ah isla markaana ay bulshadeenu ogtahay Kulmiye markay mucaaridka ahaayeena iyagaa ugu cay badnaa, markay dawladda noqdeena iyagaa ugu cay badan weliba imikana shaqo la’aantii ayey cay ka dhigayaan iyagoo shicibkii shaqadda siiyey wax ka sheegaya oo leh waa bilaa camal.

Guntii iyo gabo-gabadii waxaan qoraalkaygan kooban ku soo af-meerayaa “Geella Duqdiisu Durduriso Aarankiisa Maxaad U Maleyn??; waxaan ugu nasteexayn lahaa xukuumadda taladda haysa dulqaata oo cayda taariikhda idiin galaysa iska daaya, haddii shalay madaxwayne Siilaanyo lo ogaa oo ay taariikhda u gashay isagoo siyaasi la meeqaam ah ku leh ‘UF’ maantana uu ku xigeenkiisii C/raxmaan Saylici siyaasiyiintii mucaaridka ku yidhi guryihiina iyo xafiisyadiina ayaa uraya, hadal intuu afkiina ku jiro ayuu amaanadiina yahay ee bal degdega iska daaya”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com