|

MUSHARAXA GARAADKA BEESHA SACAD MUUSE AYAA TAAGEERAY GOLLAHA GOLAHA MADAXA BANAAN EE WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA

Hargeysa July 12,2013(SDN)-Baaq uu soo raaya Musharaxa Garaadka Beelaha Sacad Muuse oo nuqul ka mida aanu helay ayaa Taageero weyn loogu muujiyay Gollaha cusub ee Madaxa Banaan ee Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Baaqa oo dhameystirana sidan ayuu u qoraa:ANIGOO AH MUSHARAXA GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE DR Mustafe Sheekh Abiibakar Xuseen EE DHAWAAN CALEEMO SAARKIISU KA DHACAYO DEGMADA TOGWAJAALEE WAXAN SI BUUXDA U TAAGEERAYAA GOLAHA MADAXA BANAAN EE WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA. HADABA 1 markaan arkay halka uu marayo geedigii iyo hayaankii qaranimada somaliland iyo madmadowga ku gadaaman 2 markaan arkey midnimaddii ummado oo sidii shamac la shiday sii buburaysa kadib markii qabyaaladdii dib loo soo nooleeyey 3 markaan ogaadey sida loo baabiiyey golayaashii deegaanka ee bulshadu ku garbo beeshay. sida golaha deegaanka ee gobolka gabiley oo maraya halkii ugu liidatay kadib markii loo diiday in ay u madaxbanaanaadaan fadhiyadoodii 4 markaan la tashaday bulshada aan garaadnimada ugu sharaxanahay 5 markaan arkay dhalliyarada camal laantu hayso iyo tahriibta oo maraysa heerkii ugu sarreeyey waxan si buuxda u taageerey golaha madaxa banaan ee maanta lagu dhawaaqey waxanan ugu baaqayaa bulshada somaliland in liibaanteena adduunyo iyo teena aakhiraba ku jiraan taageerista golahan. cusub ee dhawaan ladhisay waxaan hiil iyo hoo lagarabtaaganahay golaha cusub oo aanu kafilayno toosinta qaladaadka soo noqnoqda ee xukuumada siilaanyo caadaysatay waxakale oo aan usoo jeedinayaa golaha cusub aniga oo ah garaadka ka wakiilka ah degmada tog wajaale iyo deegaanada hoosyimaad gobolka gabiley inaan ku hadlayo kalsoonidii bulshada aan garaadka u hay waxan ku soo gunaanadayaa tixdan gabayga ah dadku maaha kii hee midho daray had iyo jeer duuduub ku liqi jirey, dadku maaha kii hee laba goor danseegee shaley iyo doraad jiey dadku maaha kii hee iney daaf ka guuraan daacuun u raran jirey dadku maaha kii hee digorogashadoodiyo dalandoolka geediga dalka oo cadceediyo dayaxiiba joogaan xiddigaha dagaariyo duuqlaal ku guddi jirey.

RABADAAN KARIIM
BY GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE
DR MUSTAFA SH ABIIBAKER HUSIEN
TOGWAJAALE

Comments are closed