|

Muuse Biixi oo dalbaday kulan mucaaradka ah ka hor dhex dhexaadinta

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaaciyay mawqif aan hore loo ogayn oo si toos ah uu uga sheegay munaasibadda 26 June oo lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland habeenkii xalay ahaa, halkaas oo madax badani joogtay.

Muuse Biixi wuxuu xusay in uu rabo kulan ay yeeshaan hogaamiyayaasha mucaaradka ka hor inta aan dhexdooda lasoo galin oo aanay ergo u iman, wuxuuna intaa sii raaciyay in kulankoodu uu wax walba ka horeeyo.

“Sababta aan u leeyahay isku keen keena, qolo waliba si bay leedahay ay wax u xaliso, Soomaalidu dhaqanbay u leedahay soo jireena. Soomaalidu markay wax dhacaan, cidda is haysa waa loo yeedhaa deetana waxa laydhaa wada hadloo waxaad garan waydaan noo sheega. Iyagaa isku horeeya, deetana way isla cartamaan, way doodaan, waxa ay ku margadaan baa cidda kale loo sheegaa markaasaa ciddaasi farsamaysaa. Anagu tii baanu haynaa, waar kaalaya anagaa isku horaynayna, aan wada hadalno halkii aan ku marganana aan cid ina qabata u yeedhno” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Hadalkan wuxuu imanayaa xili muran xoogan oo laga cabsi qabo inuu colaad sababo uu ka taagan yahay Somaliland, waxaana jira guddi la filayo in maalinta Salaasada ay go’aan soo saaraan.

Comments are closed