|

Gudida cuno-qabataynta hubka Soomaaliya oo war cusub soo saaray

Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan  cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha.

Guddiga ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo weerarrada sii kordhaya ee Alshabaab.

“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda. Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yidhi  warbixinta gudida.

Guddigan waxay warbixntooda ku sheegeen, in inka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay gudubyo. Sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowlad goboleedyada.

Waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda, taasoo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka.

Comments are closed