|

Muuse oo beelaha Somaliland meliishaad ka dalbaday

Hargeysa March 30, 2023(QJ) – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii ina dhaafay shirar gooni gooni ahaa la yeeshay beelaha Somaliland.

Madxweynaha aya abeelahan ku beer laxawsaday in ay ciidamo beeleedyo u soo ururiyaan, isaga oo ka dalbaday min kun askari in ay degdeg ah ugu keenaan.

Muuse ayaase sidii cadada aheyd beelahan uga cawday goaankii Guddida Beesha Garxajis ay ku dhaliishay duulaanka uu ku qaaday Laascaanood.

Beelahan ayaa siyaabo kala gedisan uga maquurtay qorshaha ciidamo qorida, kolka laga reebo jufooyinka horgaleyaasha ku leh xukuumada Muuse.

Beelaha ayaa la sheegay in ay saluugeen in Muuse dabka ku guro kiyoo hore tacdiyo iyo xaqiraad isugu raaciyay, halka uu haatan u sheegay in aanu wax hub ah u heyn oo ay iyagu la yimaadaan hubkooda.

Wararka hoose ayaase sheegaya in beelaha qaar garwsadeen in dan gaar ahi haatan ugu jirto in ay is hubeeyaan oo ciidamo u gaar ah qortaan, kol hadii ay jirto hubanti la’aan amni iyo mid dawladnimo.

Comments are closed