|

Dhaawacii ugu badnaa oo lagu dheyayo cisbitaalada Hargeysa 

Hargeysa March 30, 2023 (QJ) – Waxa cisbitaalada gaarka loo yeehay ee magaalada Hargeysa buux dhaafiyay dhaawac laga soo daabulay aaga Goojacade.

Ciidamadan oo qaliin loogu sameynayo cisbitaalada Hargeysa ayaa waxa lacagtooda markii u horeysay bixinaya Muuse Biixi, ka dib kolkii ciidamada Somaliland niyad jab ka muujiyay dagaalka aan xitaa daryeelka laheyn.

Ciidamadan la dhayayo ayaa la sheegay in Muuse u kordhiyay mushaharadii iyo gunooyin ay haatan qaadanayaa dhaawac.

Tilaabadan ayaa loo arkaa mid Muuse ku doonayo in uu ugu muujiyo dhalintan in la daryeeli doono hadii ay wax ku noqdaan dagaalka Laascaanood ee dhaawaciisa iyo dhimashadiisa.

Dawlada Muuse ayaa hore loogu eedeeyay in dheefta iyo dhimashada aaney ciidanka iyo Bulshaduba u sineyn.

Comments are closed